Wasiirka Gadiidka Hadaladiisu May Qaangaadhin Markii La Qiimeeyeyintii Uu Xukuumaddan Ka Wasiirka Ahaa.

0
Sunday March 28, 2021 - 09:50:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 752
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Gadiidka Hadaladiisu May Qaangaadhin Markii La Qiimeeyeyintii Uu Xukuumaddan Ka Wasiirka Ahaa.

    W/Q: M Bashe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: M Bashe

Qofka WASIIRKA ka ah waddan wuxuu ka mid yahay Madaxweynayaasha mustaqbalka oo hal darajo oo UU kor u kaco ayaa ka xigta inuu Madaxweyne noqdo, nin Kastoo Wasiir nimo gaadhaa waa inuu ogaado inuu ummad madax u yet oo hadal Kastoo afkiisa ka soo baxaa UU TAARIIKHDA wadankaa meel ka fadhiisanayo.



WAA hubaal in haddaad kursi madax nimo ah ku fadhiisato oo wadanka aad laguu soo shiidayo, kursigana ogaw ummaddaa leh sidaad doonto ku imo ama adigu u fahansanaw inaad si gaara ku timi laakiinASALKU WAA KURSI UMMADEED, cid kastaana wey kula qaadaa dhigayaa shaqadaada, maxaa sidaa wacay mashiinka wax wadaa waa Cashuurta ummaddaa. Somalidu waxay ku maahmaahdaa NIN XIL QAADAY EED QAAD. WAXAA KALOOD OGAATAA AFAR IMTIXAAN BUU ALLAH DUNIDAN KEENAY OO BINU ADAMKA KU IMTIXAANAY OO AFARTUBA KU JIRAAN SUURATUL KAAF. WAA IMTIXAANKA DIINTA, IMTIXAANKA MAALKA, IMTIXAANKA MADAXNIMADA IYO IMTIXAANKA CILMIGA, WAXA IMTIXAAN JIRA DUNIDA AFARTAASAY HOOSTAGAAN. MARKAA wasiir ka Gaadiidka IMTIXAANKA wasiirnimo wuu ku dhacday maxaa yeelay Beri dhaweyd nin Madaxa ayuu ku LAHAA GURIGIISA BIYO LAGAMA CABBO ISAGOO BUSHADA REER SOMALILAND EE UU WASIIRKA KA YAHAY LA HADLAYA AFKALAQAAD BAY KU NOQOTAY OO DADKA JAWAABTOODII WAXAY NOQOTAY WASIIRKA GAADIIDKA MIYAANUU MADAXWEYNIHII WASIIRKA KA DHIGAY MAQLAYN. TODOBAADKAN NIN kaloo Madaxa wadanka ah ayuu NAANAYS UU KU CAAYEY AAN LA FAHMI KARIN SI QALBI CARUURNIMO KU JIRTO ULA TIRSADAY NINKII MADAXDA AHAA KA DALBADAY In AY DOOD CAALAMI AH ISUGU YIMAADDAAN.


WASIIRKA GAADIIDKA, GAADIIDKU HADDII AANUU HADALKIISA DAW MARINKARIN SIDEEBUU LABA BOQOLKUN OO GAADHI JIDAD UGU SAMAYN KARAYAA.


RUNTII WASIIRKA GAADIIDKU AFARTAA IMTIXAAN EE ALLAH DUNIDA KEENAYBA WUU KU DHACAY:


1- DIINTA ISLAAMKA WUU KU DHACAY OO NAANAYSUU MADAXDII UGU YEEDHAYAA Si(Public) ah.


2- MAALKII WUU KU DHACAY OO WAXAA LAGU CADDAYNAYAA GAAWAADHIDA WAAWEYN EE KA SHAQEEYA WADADA BERBERA IN UU ISAGU KA KIRSYSTO ISUNA SAXEEXO.


3- MADAXNIMADII AAD BUU UGU LITAA OO WAA LAGULA KUFAY.


4- CILMIGII WUU KUDHACAY OO LUQADDA UU SI PUBLIGA UGU HADLAYO AMA U QORAYAA MA AY QAANGAADHIN.


MARKAA waxaa wadanka jooga Siyaasiyiin badan oo Muxaafad iyo Mucaaridba leh oo si balaaqad, Saqaafad iyo Xaddaaradba leh u hadla ee Madaxda kale ha dhegaysto oo ha akhriyo siday u dhaqmaan.


W/Q: M Bashe


[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...