Beelahan Beesha Dhexaadoow, Baarlamaan Sanadkan, Barkhad Maydin U Dooran.
BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM,[A.S.C.W.R.W.B],
TU KHAAS AHANA BAHDA H/W IYO AKHRISTAYAASHEEDA.
BEELAH BEESHA DHEXAADOW,
BAARLAMAANKA SANADKAN,
BARKHAD MAYDIN U DOORAN,
BAYLIHIN MAAYO CODKEENO,
UMANA BAAHNA AMAANOO,
BADIDIIN WAYDIN TAQAANE,
BOQOLAAL SANNADOOD,
BEELAHII LA DULAYSTAY,
BOQORKU XAQUU SIIYEY,
BOOBTEENE KA DHACDEN,
BOHOL DHEER KU RIDEEN,
BAADIGOOBU KU JIRAAYE,
BIWAAYE MAANTA U HIISHA,
BAADILKOO LAGA LEEXDOO,
LA BARBAARSHO CADAALAD,
BELAAYOOYIN DHACAAYAA,
BAAL MARI DOONA DALKENA,
BARWAAQAA IMAN DOONTA,
BAADIDEENAN KU RAAGTAY,
KU BAKHAYLAY ADUUNKUBA,
BIDHAANTEEDU IFTIIMIYOO,
BERIDHAW LAYNA AQOONSAN,
BUSAARADAA INA DHAAFIYOO,
BADHAADHAYNU KU SEEXANO,
ALLAAHU MAA BALAQTU.
ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH {DALJIR}AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!