Talo ku socota Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahin

0
Monday May 06, 2019 - 00:04:33 in News by A. Asbaro
  • Visits: 3241
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talo ku socota Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahin

    Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahinow, way fiicnayd in aan taladan si gaar ah idiinku soo gudbiyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahinow, way fiicnayd in aan taladan si gaar ah idiinku soo gudbiyo

Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahinow, way fiicnayd in aan taladan si gaar ah idiinku soo gudbiyo, laakiin way ii suurtagali weyday, sababo inaad hawlo qaran oo culus ku fooggan tihiin darteed ah.

Kama mid ihi kuwa guushiinnu guuldarrada u tahay, kamana mid ihi kuwa muxaqiriinta ah ee wanaaggiinna xumaan u turjuma, kumana jiro inta xil ama xoolo u dudaysa ee arrinkoodu waan ku doortay ku soo ururay. Laakiin waxa aan ahay kuwa badan ee ummadda ka midka ah ee Soomaalilaand oo guulaysata oo guryasamo degta aan waxba u labayn ama uga hoosayn. Sidaas darteed, aniga oo Eebbe idiinka baryayaa in uu garabkiinna ahaado.

Waxa aan idinku boorrinayaa in fursadda aad hesheen ee aanay helin in badan oo aad halgan-wadaag ahaydeen oo nool ama Ilaahayba oofsaday oo gobannimada darteed u geeriyootay aad milgeheeda marisaan, dulqaadkii iyo adkaysigii aad ayaamo badan ku soo gudubteenna ku fara adaygtaan.

Wax kasta oo u eg ama shabbaha wixii aad ka dagaallanteen ka feejignaada, qaranka Soomaalilaand isku wada guud ahaan, ammuuraha taaganna guurtinnimo iyo odayayn ku soo afmeera, xadhigga faraha badan yareeya, dadka u xidhan wax ay qoreen iyo culimada xidh-xidhan cafis u fidiya waa bil Ramadaan’e. Cid kasta xuquuqdeeda ilaaliya madax ayaad u tihiin’e.

Anigoo Eebbe idiinka rejaynaaya in uu talada san idin garansiiyo, taariikhduna aanay idinka xumaan.

Ugu danbayn, halgamayaal; kuwa xukuumadda ka midka ahi qaladaadka ay sida badheedhka ah u galaan dib u saxa, raalligalinna ka bixiya oo cida ay saamaynta gaar ahaaneed ama deegaaneed ku leedahay la xaala, si aan loogu qaadan in dawlad ahaan arrinkaa aydun ku wada socotaan.

Ramadaan Kariim mudanayaal.

Cabdillaahi Ibraahim Xaaji Xasan

Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...