Mucjisooyinka Carabka Bisadaha! W/Q.Khadar Ibrahim Aar
Dhawr iyo Toban Qarni ka hor Nebi Muxamad salallaahu calayhi
wasalam wuxuu nooga sheegay Bisadaha mucjisooyin badan oo aan la aqoon
xilligiisii ama Qarnigisii uu isagu noolaa gaar ahaan dhaqanka nadaafada ee
Bisadaha
.قال رسول الله- صلى الله عليه وسلم- في حديث صحيح عن
القطط " إِنَّهَا لَيْسَتْ بِنَجَسٍ ، إِنَّهَا مِنَ الطَّوَّافِينَ عَلَيْكُمْ وَالطَّوَّافَاتِ".
Nebi Muxamed SCW waxaa laga soo wariyey Axadiis uu kaga hadlaayo Bisada iyo daahir nimadeeda iyo in Weelka ay afka galiso wax lagu cuni karo laguna cabi karo halka Eygu uu yahay Nijaas loona baahan yahay in si adag loo dhaqo ama loo maydho.
Hadaba wakhtigan xaadirka ah isla markaana ay Dunidu casriga dhanka aqoonta ay gaadhay ,ayaa waxaa si buuxda loo cadaynayaa in Bisadu ay tahay Xayawaanka ugu nadafada iyo Xaragada jecel marka loo eego dhamaan noolaha Xayawaanka.
Saynisyahankii waynaa ee Pasteur ayaa waxa uu yidhi
""Bisaduhu waxa ay yihiin Xayawaan nadiif ah maxaa yeelay waxay ku
qaataan wakhtigooda oo dhan is nadiifin ,tasoo markasta aad arkayso iyada oo
leefaysa mashquulna ku ah qurxinta Maqaarkeeda dhamaan Kor iyo
Hoos"".
Waxyaabaha kale ee la ogaaday wakhtiyadan casriga ah ayaa waxa
ka mida sida layaabka leh ee Ilahay SWC uu u sameeyey Carabka Bisadaha ,kasoo
dusha sare ku leh lakabyo isdulsaaran isla markaana ay kusii daboolan yihiin
lakab sare oo sida Miinshaarka u kirkiran.
Sida laga soo xigtay Saynisyahanada inta badan hindisa qalabka
wax lagu nadiifiyo,ayaa waxa ay sheegayaan in samayska Carabka Bisadaha looga
qiyaas qaatay qalabka wax lagu nadiifiyo kuwooda ugu tayada fiican maanta,
iyada oo la ogaaday in Carabka dusha sare qalaylka ku lihi uu soo saaro Timaha
dhintay isla markaana uu yahay nadiifiyaha Haragga.
Waxyaabaha kale ee layaabka leh waxaa ka mid ah in ay Bisaduhu
iyagu laftoodu ay isu Masajeeyaan isuna dhaqaan Maqaarkooda,waxaana si cad kuu
muqanaysa markasta in aad aragto Bisad midkale Carabka u marinaysa ama u
nadiifinaysa Maqeerkeeda.
Rasuulkeenii sharafta lahaa SCW waxna ma qori jirin waxma ma
akhrin jirin,ma jirin shaybaadh uu haysto oo uu ku ogaaday xaalka Bisada iyo
Carabkoodu sida uu u shaqeeyo,lakiin waxa uga soo waramay Ilahay SWC oo isagu
ahaa kii Bisada abuuray ama sancadeeda lahaa.
Waxaan aamin sanahay in arimahani ay xoojin u noqonayaan Cadaynta Nabinimada Muxamed SCW inagana Iimaan inooga siyaadi doono.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!