Godka Lagu Janee Geesibuu Ahaa!!!

0
Saturday March 27, 2021 - 09:47:04 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Godka Lagu Janee Geesibuu Ahaa!!!

    Qore: Gudoomiye Ku Xigenka Jaamacada ADMAS Prof. Xuseen Cabdilahi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore: Gudoomiye Ku Xigenka Jaamacada ADMAS Prof. Xuseen Cabdilahi

Prof. Faarax Barre Shirre, EEBE wayne ayaan uga baryayaa inuu ugu deeqo naxariistiisa ballaadhan, qabrigiisana ka yeelo beer ka mid ah beeraha Janadda.



Faarax Barre, waxaanu xidhiidh toos ah lahayn dhawr iyo labaatankii sano ee u dambeeyey. Faarax mar wuxuu ii ahaa macalin, mar waxaanu ahayn saaxiibo shaqeed (work colleagues), iyadoo aanu ka wada shaqayn jirnay Hay’adda wayn ee Candlelight, waliba aanu isku xafiis ahayn, marna wuxuu ka mid ahaa shaqaale waynaha Jaamacadda Admas.


Faarax Barre, wuxuu ahaa macalin waayo arag ah (bare sare), kaas oo aan xiisadihiisa lagu caajisin, lagana xiiso dhicin. Wuxuu ahaa ruug caddaa waayo arag ah, wuxuuna ahaa geed adayg aan la loodin. Wuxuu ahaa nin Ilaahay fahmo ku manaystay, ku dhex jiridda aqoontuna balwad u ahayd. 


Faarax wuxuu ahaa aqoonyahan, wuxuu ahaa tabo-bare waayo arag ah, wuxuu ahaa dhaqan yaqaan, wuxuuna ahaa gorfeeye siyaasadeed, wuxuu ahaa taariikh kaydiye, wuxuu ahaa nin furfuran oo kaftama goorta iyo goobta ay ku haboon tahay. 


Ustaad Faarax, in ka badan toban sano oo uu macalin ka ahaa Jaamacadda Admas, wuxuu ahaa tusaale nool oo lagu daydo, dhanka edaabta wanaagsan ee shaqada iyo dhanka akhlaaqiyaadkaba.


Ustaadka, waligii shaqo laguma canaanan, wakhti shaqeedna dib ugama dhicin, maado (course) lagu qorayna ma dhammayn waayin, wuxuuna mar walba ahaa qofka ugu horeeya ee imtixaanka soo gudbiya, qofka ugu horeeya ee natiijadda ardayda soo xareeya, waxaanu ka dedaal iyo tamarba badnaa ninkasta oo dhalinyaro ah.


Faarax Barre, waa tiir ka baxay bahda aqoonyahan Somaliland, waxaanan tacsi u dirayaa ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay, sidoo kalena waxaan ka tacsiyadaynayaa bah-waynta waxbarashada Somaliland. 


RABBI ha u naxariisto, qabrigana ha u nuuro!!!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...