Yaa Xukuma Saldhigyada Booliska Hargeisa??

0
Saturday March 27, 2021 - 09:35:32 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Yaa Xukuma Saldhigyada Booliska Hargeisa??

    Fadlan Akhri Xaqiiqada dhacdadan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fadlan Akhri Xaqiiqada dhacdadan.

Ninkan idin muuqda ee koofiyada xidhani waxaa uu sito ee uu igu dhufanayaa waa Laptop kii Xafiiskayga, inta uu isoo weeraray ayuu sidaa idin muuqata ba laptop kii aan ku shaqaynaayey inta uu iga hor qaaday aniga igu dhuftay kadibna marmarka dhulka kusii dhacay Waxaanu ka jabay 3meelood، Ninkan wax shaqo ah oo noo dhaxaysay ma jirto waana markii 1aad ba ee uso galo ba Xafiiskayga , wa layga qabtay waana la saaray ISka waliba aflagaado iyo hanjabaad sii wada.



    

Kadib........ waxaan u dacwad tagay Saldhiga Booliska deg Axmed dhagax (iftin) , waxaan geeyey laptop  kaygii la kala jabiyey (Cadayn ahaan) ,maragyadii iyo waliba muuqaalkii ay duubtay CCTv camera xafiiskaygu oo xataa codka duubaysay??,


Wuxuu ninkii kolba baxsado ama aniga dacwad iga horkeenaba Ugu dambayn ninkii waa la soo xidhay waxa la keenay OB ga Saldhiga markii la bilaabay in ninka lagu Qoro OB ga Saldhiga si loo xidho waxa OB noogu soo galay Wasiir Ku Xigeen ka Amniga Soomaliland Naasir Caydiid iyo laba askari oo uu watay , waxaana markii uu soo galay  yidhi " Mee ninka soo xidhay ninkan la xidhaayo askarigii OB qoraayey aya ku yidhi " wasiir waa ninkan ku hortaagan ba oo Computerkisii ayuu ka jabiyey ninkani xafiiskiisana waa la weeraray wuxuu ugu jawaabay" ma intaas uun ba soo bax ayaanlaw waynu wada hadlaynaaye !!


Hadii aanu Saldhiga daaradiisa dhexe istaagnay wuxuu igu yidhi " Ninkan lama xidhaayo ee ISka sii daa aniga ayaa Computer ku iibinaya hawshaasna dhamaynaaya" kadib waan ka diiyey oo waxaan ku idhi ninkani Xafiiskayga ayuu soo weeraray aniga iyo qalabkii xafiiskabayga ba khasaare ayuu noo gaystay , sidaa Awgeed hadad arintan xalkeeda doonayso ninkan hala xidho inaguna aynu maanta arinta ka wada hadalno hadad Oday u tahay adigu , intaas kadib wuxuu igu yidhi taas ma doonayo oo maanta waa khamiis ........? ee hada Sii daa ama ISka tag aniga ayaa og waxaan yeeli doone, Ok Salaama!


Wan ka baxay Saldhigii markaan ogaaday in la xidhay ninkii ,  wasiirkii na uu telephone qabsaday una dhaqaaqay dhinaca xafiiska  Taliyaha Saldhiga?


Laba Saacadood ka bacdi waxaan kusoo noqday Saldhigii si aan wax uga ogaado in ninkii xidhan yahay iyo in kle ??


Nasiib daro iyo Uqaadan waa waxaan ogaaday in ninkii markiiba la sii daayey oo aanu waxba iga dambayn ba !


Taliyaha Saldhiga ayaan waydiiyey Sababta loo Sii daayey ninkii wuxuu igu yidhi Saldhiga noogu kaalay beri Casarka ayaanu kaaga waramiye , Ok baan idhi markii Casarkii la gaadhay ayaan Saldhiga tagay aniga iyo laba nin oo aanu sxb nahay Nageeye iyo Cabdirisaq waxaanu u galnay xafiiska Taliyahii Saldhiga waxa la jooga markaas Wiil ay walalo yihiin ninkii Computer ka iga jabiyey,  waxa Hadalkii bilaabay taliyihii Saldhiga Waxaanu igu yidhi "Ayaanlaw qaado Computer kaagii waakan oo waa lasoo eegay wax u qabaana ma jirto " ilayn hadal I daa iyo hay odhan kuma yidhaaye!!!


Waxaan ku idhi Taliye ayaa soo ogaaday in aanu Computer kaygu waxba qabin.

Wuxuu yidhi "ninkan ay walaalaha yihiin ninkii ka jabiyey  baan u dhiibay oo suuqa geeyey marka waxaana lasoo galiyey mouse iyo charger cusub wax u qabaana ma jirto ninkii loo geeyey ee farsamo yaqaanka ahaana waaba kan nala joogee haku sheego in aanu waxba qabin oo haku tijaabiyo hada !


Intaas kadib waxaan Taliyaha waydiiyey aniga oo yaaban.

1. Yaa dadka aan soo dacweeyay  awood u siiyey in ay computer kayga qaataan oo uu suuqa geeyaan??


2. Yaa damaanad qaaday in xogtii aan umada ugu shaqaynaayey iyo taydiiba ay save tahay hada maadama la baadhay laptop kayga qalab cusub na la galiyey ?


3. Saldhigu ma waxa u noqday meel umada heshiiskooda lays kugu qasbo ??


4. Sidee ayaa aniga oo aan ogayn raali na ka ahayn aad ugu dhiibtay computer aan Saldhiga keensaday si dacwadiisa laygu gudbiyo.


Taliyihii isaga oo aan intaas ka jawaabin ayuu yidhi  "adeer hortay ninkan iyo walaalkii waraaqo ma ka haysataa " waxaan ku idhi MAYA MABA AQAAN!! waligood na maalinta ayaabay xafiiskayga soo galeen. Wuxuu igu yidhi kitaabkan ku dhaaro in aanad waxba ka haysan!!!


Waxaan idhi yaa I dhiibay waraaqaha kk wuxuu yidhi adigu ugu dhaaro uun , Ok ayaan idhi aniga oo raba in suaashas aan I qabani iga soo dhamaato wuxuu igu dhaariyey in aanan haysan wax ducument ah oo ninkaasi leeyahay maalintana ay ugu horaysayba Xafiiskayga.


.intaas kadib hadana taliyihii Saldhiga ayaa igu yidhi lama heshiinaysid imika soo maaha , HAA, HAA !! ayaan ku idhi wuxuu yidhi orod hadaba ISka tag waad noo baahan anagaba mar kale e !!

Waanu ISka soo baxnay aniga iyo Labadii Wiil ee ILa socday.


Maalintaas kadib ninkii lama soo xidhin cid ka socotaana igama soo nqon Mudo kadib waxaan kusoo nqoday Saldhigii waxaana lay sheegay in ninkii lasoo xidhay hadana damaanad lagu siiyey Wasiirka Diinta iyo awqaafta Sheekh khalil !! Kiiskaygiina laga badelay Saldhigan iftin oo qaybta galbeedka loo badelay ee kala Xidhiidh  !!!


Intaas markay dhacday waxaan Xidhiidh la sameeyey maamulka Sare ee Ciidanka Booliska Jsl gaar ahaan taliyaha Ciidanka Booliska Mr Dabagale waxaana aan u diray Abwaan  Siciid Maxamuud Gahayr Hargeysaawi


 oo ay aqoon isku lahaayeen Taliyaha Ciidanka hadii uu u tagay wuxuu Siciid jawaab  igu keenay in arintaydii taliyuhu saxay oo lala soo hadlay taliyihii Saldhiga iftin ISla markaana dib losoo xidhi doono ninkii, ??


Wan farxay waxaana aan ka warsugay amarka Taliyaha Ciidanka Nasiib daro sugitaankii bil ayuu qaatay wuxuu ku dambeeyey uun natiijo la.aan.


markii intaasi dhacday ee lasoo qaban waayey waxaan hadana la xidhiidhay Xeer Ilaalinta Gobolka Maroodijeex Gudoomiye Mawliid markii aan dacwadaydii u gubiyey wuxuu la hadlay Taliyaha Saldhiga oo u yidhi ninkaas laptop ka jabiyey ayaanle xafiiskiisana weeraray sharciga horkeen , nasiib daro dhag jalaq umuu siin waxaana u la hadlay 3cisho oo kala dambeeyey 1aad 2aad iyo 3aad ba wu ku Celiyey waydiintii ugu dambayn  Mawliid wuxuu I sheegay in uu la hadlay Taliyaha guud Booliska Dabagale waxna inooga qaban doono hadana nasiib daro  waxba ka qaban arintii.


Mudo 3bilood ah kadib maanta.

}} wali Computer kaygii Saldhiga ayuu yaala iskaga oo jajaban qalab cusub na la galiyey  inta eedaysanihii loo dhiibay?

}} Hanjabadii Wasiirka amniga ee OB saldhiga oo aan waxba laga qaban??

}} ninkii Computer iga kala jabiyey wuxuu maalin walba soo hormaraa Xafiiskayga ama aniga ayuu iskay tusa  si aan ula hadlo xoriyad ayuunu kusii jooga??

}} taliyihii Ciidanka Booliska oo aanu dib ula xidhiidhay isna wali jawaab dambe nama soo siin?


Ugu dambayn 22 bishan aynu ku jirno waxaan  tagay  xafiiska Wasiirka Diinta iyo awqaafta waanu iga furi waayey albaabka isga Comerada CCTv iga arkaya , waxaan kala hadlay telephonkiisa aniga oo  xafiiskiisa hortaagan wuu iga qabtay waxaanan  ku idhi "Wasiir waxaan jooga xafiiskaaga hortiisa sida aad I arkayso! Waxaanan kugu socday in aan kaala hadlo ninka aad damiinatay ee magaciisu yahay Maxamuud....  isla markaaana inankaagu isheegay in u Saldhiga kasoo kaxeeyey ninkaas ??


Wuxuu yidhi "shir ayaan ku jiraa kuma haleelayo shirka marka aan kasoo baxana salaada ayaan galayaa wa inoo markale "  waxa xusid mudan in lay sheegay in ay subaxaa aan tagay Wasaarada u Wasiirka la joogay ninkii Saldhiga igu dhex hanjabay ee ahaa Wasiir ku Xigeen ka Amniga Naasir Caydiid .


Wan iskaga soo baxay maadama oo u garasho sida I leeyahay ninkaasna u adeer u ahaa?  waxaan fariin kle u sii faray Staff kiisa Wasaarada iyo Nin oday ah oo ay qaraabo yihiin si u arintayda wax uga qabto ama Ninkaas usoo celiyo , walina iima soo jawaabin ISka daa in uu ii yeedhee??


Waxaan inta badan maqli jirtay ama aan cabashadooda idin soo gubiyey dad arimo noocan oo kle ahi Saldhigyada ka qabsadeen dadku se ay la yaaba ba ?


Bal ninka ay waxaas oo dhibi ku dhacday ee aan ILa hada ka hadal ama saxaafada usoo bandhigin kawarama isaga oo wali computer kiisii shaqada iyo xafiiskiisiiba xaniban yihiin ??


Aqoonta aan bartay oo shariga ahi waxay ii diiday in aan anigu sharciga gacantayda ku fushado ama Ninkaas ka talaabo qaado maadama aanu xoog iyo xeelad toona I dheerayn


Anigii sharciga bartay ayaa dhibkan maree mxd u malayn in aan aqoonba sida loo dacwoodo oo tan oo kle ku dhacday!

________________________________

Arintaas faahfaahinteda iyo cadaymaheedaba waxaan u soo bandhigi doona umada video ahaan insha Allah sida ugu dhaqsaha bdn , Waxaanan Wasiirka arimaha gudaha Maxamed kaahin iyo Madaxwayne Muuse Biixi ba ka codsanaynaa in u hoos u eego tacadiyada iyo sharci ku tumashada Ciidanka Booliska ee maalin walba dhawaaqoodu idin soo gaadhayo Saldhigyada Hargeisa arintaydana aad wax ka qabataan??


Garyaqaan Ayaanle Xaliye

Xubin Hogaanka Ururka Qareenada Soomaliland (BoD)

Telephone:- 063-4485657

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...