Xaalada Covid19 Ee Magaalada Hargaiza Oo Dayacaad Farabadani Jirto Xaga Waraada Caafimaadka

0
Saturday March 27, 2021 - 09:23:53 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 760
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaalada Covid19 Ee Magaalada Hargaiza Oo Dayacaad Farabadani Jirto Xaga Waraada Caafimaadka

    W/Q: Dr. Khalid Abdalla

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Dr. Khalid Abdalla

Marka koowaad Waxaan halkaan tacsi u marinayaa dhamaan eheladii ay ka dhinteen intii u dhimatay xanuunka covid19, allaha u naxariisto amen, samir iyo imaana allaha inaka siiyo dhamaanteen.



Sida wada ognahay Wasaarada caafimaad u malaynmaayo inay awoodi kari wayday inay dajiyo sharuuc cad cad ee looga hortagayo xanuunka covid19 ee waxaa jira


1. Dayacaad iyo waajib wayn oo aysan iska saarin wasaaradu xanuunki lagu dhamaaday.

2. Waxaa jirta qorshe la’aan ku aadan ka hortaga cudurka covid19.

3. Waxaa muuqata bulsho aan ku baraarugsanayn khatarta xanuunka.

4. Waxaa wali dadku isagu yimaadan meelaha public ah sida ganacsiyada iyo goobaha shaqaba iyo waxbarasha.


Intaas aan kor ku xusay iyo kun qodob oo kale oo aana qoraal kusoo koobi karin ayaa wasaarada caafimaadka iyo dhamaan ururada kale ee caafimaadka ka shaqeeya ay ka fakari waayeen si ay ugu yaraan ummadeena u badbaadiyaan illaah swt baa wax badbaadiye.


Waxaa maalmahaan danbe aad u batay dadka u dhimanaya xanuunkan covid19 ee caasumada wadanka ee hargaiza halka dhamaan jaarkeena khaasataan gobolada soomaaliya lagu guulaystay yaraynta faafinta xanuunkan.


Jawaabtu waa waxay lahaayeen qorshe cad ay uga hortagaaan xanunkan ilaa wakhtigii uu soo labo kacleeyey sida:


1. Xirida meelaha public-ga sida xarumaha waxbarashada, ganacsiga qaar, xarumaha dowladaha


2. Dajinta sharuuc dadka si khasab looga baahanyaha hirgalinteeda sida xirashada masks-ka, kala fogaanshaha, joogtaynta fara-dhaqa iyo dhamaan sharuucaha kale ee looga hortago xanuunkan covid19


3. Goobo gaara/ isbitaalaad gaara ee loo asteeyey


 Dadka looga shakiyo ama qaba xanuunkan loona ogolaan in la geeyo isbitaalaadka khaaska dadka qaba xanuunkan covid19.


Waxaan wasaaarada caafimaadka kula talinayaa inay muhiimad gaara iska saaraan xanuunkaan covid19 ee aysan kaliya xooga saarin, iskuna halayn taalaalkaa  yar ee aan deeqda aanu ku helnay.


Waxaan bulshada reer somaliland khaasataan rer hargaiza kula dardaarmin inay qaybtooda ka qaataan ka hortaga xanuunkan.


Dhamaan qofkasta ee ka tirsan bahda caafimaadka iyaguna inay ka qaybqaatan a hortaga xanuunkan khaasatan wacyi-galin iyago u marinaya baraha bulshada khaasataan idaacadaha iyo TVs Local-ka ee bulshadu aadka u dhagaysato.


W/Q: Dr. Khalid Abdalla

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...