Arrimaha Caafimaadka: Liver Cirrhosis ( Beer Xanjoobid)

0
Saturday March 27, 2021 - 09:11:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 725
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Arrimaha Caafimaadka: Liver Cirrhosis ( Beer Xanjoobid)

    Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Ku soo dhawow akhriste, qormada todobaadka oo aynu ku falan qayn doono mid ka mid  ah cudurada beerka ku dhaca.



Beerka oo xanjoobaa waa dhibaato mudo dheer ka dib ka dhalata xaalado kala duwan oo ay ka mid yihiin caabuqyada beerka (Hepatitis) iyo khamri cabka. Walow aan la hayn tiro koob rasmi ah , waxa aad u soo batay tirada baryahan lagu arko xaaladahan oo kale wadankeena taas oo ay ugu wacan tahay cudurka hepatitis ka oo aad inoogu badan.


Si la mid ah unugyada kale ee jidhkeena, beerku waxa uu awood u leeyahay in uu kabo nudaha dhaawacyadu soo gaadheen. Ayaan darre se waxay joogtaa  marka dhaawac soo gaadhay ha kaga yimaado cudur ama khamro badane, beerkuna qaado tubtii lagu baanan lahaa balse dhidh ay ku dhiganto sidaana uu ku xanjoobo. Kolka intaasi iska daba dhacaan waxa hoos u dhac weyni la soo dersaa hufnaanta shaqadii xubintan muhiimka ah.


Cudurkan ayaa ay keenaan xaalado kala duwan sida xaydh ku ururta beerka, xadiidka (Iron) iyo Copper oo beerka ku bata, waxa kale oo horseedi kara cillado lagu dhasho iyo daawooyinka qaarkood.


Xaaladan ayaa ay halistiisa kor u qaadaan qodobo ay ka mid yihiin miisaanka oo bata, caabuqyada beerka ( Hepatitis) iyo balwadaha gaar ahaan khamriga.


Cudurkan ayaa leh astaamo kala duwan oo ay ka mid yihiin:-


Yalaalugo


 Miisanka oo yaraada


Cuntada oo uu ka go’o


Xajiimo


Barar lugaha ku yimaada


Biyo caloosha ku urura


Cillado ku yimaada dhiiga


Cagaar shaw


Garashada oo yaraata


Waxa lagu ogaadaa cudurkan shaybaadho kala duwan uguna mudan yihiin kuwa lagu ogaado shaqada beerka, xinjirawga dhiiga iyo qaar kale. Waxa lagu laadhaa in la sawiro bukaanka iyo in mararka qaar cad laga soo qaado beerka si loo ogaado halista iyo heerka uu taagan yahay cudurku.


Waxa lagula tacaalaa xaaladan oo kale in la joojiyo qodobada kor u qaada halista cudurkan oo aynu kor ku xusnay, balwadaha oo la joojiyo , in la xakameeyo caabuqa beerka iyo in lala tacaalo astaamaha ka unkama xaaladan.


Bukaanka cudurkan ayaa lagu la taliyaa in uu yareeyo milixda iyo hilibka, kuna badasho cuntooyinka ka yimaada dhirta sida khudaarka iyo kalluunka. Bukaankan ayaa ay haboon tahay in uu ka feejignaado dawooyinka gaar ahaan kuwa xanuun jabiyaha ah.


Xaaladan ayaa ay ka unkami karaan cillado ka halis badan sida nafaqo darrada, suntan oo jidhka ku badata, dhiig bax , beer-yarada oo weynaata, infections iyo in uu kor u qaado halista beerka kansarka.


Waxa Diyaarisay Deeqa Aadan

Email: [email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...