Anigu Xamar waan tegay iyada oo ay haystaan hoggaamiye Kooxeedkii...W/Q Zakariye Awaare

0
Sunday February 03, 2019 - 13:43:58 in Articles by Super Admin
  • Visits: 1250
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Anigu Xamar waan tegay iyada oo ay haystaan hoggaamiye Kooxeedkii...W/Q Zakariye Awaare

    Anigu Xamar waan tegay iyada oo ay haystaan hoggaamiye Kooxeedkii, weliba iskama aan tegin ee waxa aan tegay Gurigayagii oo dhisan oo ku yaalla xaafadda "Boondheere" waxa aan ka shaahayn jiray Suuq-Beexaani iyo Degmmada Shibbis, sannadihii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Anigu Xamar waan tegay iyada oo ay haystaan hoggaamiye Kooxeedkii, weliba iskama aan tegin ee waxa aan tegay Gurigayagii oo dhisan oo ku yaalla xaafadda "Boondheere" waxa aan ka shaahayn jiray Suuq-Beexaani iyo Degmmada Shibbis, sannadihii 2006 ilaa 2007.
Bishii Laba iyo Tobnnaad (December 2006) ayay soo galeen ciidamada Ethopianka ahi magaalada Muqdisho. Markaas ayaan ka soo raacay diyaaradda DJibouti Airline oo aan hoygaygii rasmiga ahaa ee Hargaysa imid.

Muuse Biixi wuu ku saxan yahay waanan ku taageersannahay arrimaha Soomaaliya wixii uu ka yidhaahdo, waan ogahay dhallin yaro badan oo rag iyo dumar ba leh oo Xamar ka sheekeeya maanta in ay jiraan, waxa ay barteen Xamar oo laaluush lagu kala cuno oo dadka la kala iibsado, bal se ma ay ogayn Xamar oo dadka bilaa sabab loo toogto.


Nin aan filayo in uu ahaa Imaamu Shaafici ayaa waxa uu yidhi odhaahdan "Haddii caqligu uu yahay marjaca loo noqonayo, qof kasta caqligiisa ayaa u marjac ah" 
Hadda ba haddii ay Soomaalidu isku xukumayaan xuduudihii gumaysiga anna waxa aan ku doodayaa xuduuddii Ingiriiska. 
Ceeb la iigama dhigi karo soomaali ayaad kala qaybinaysaa. Soomaali waan jecelahay, dhib lama jecli, xumaanna lama jecli bal se Soomaali waxa aan la jecelahay wanaag iyo kala noolaansho.

Maanta waxa aan ahay dadka ku mucaaradka ah Xukuummadda Muuse Biixi taas macnaheeduna ma aha in aan Soomaaliland ka soo hor jeedo. 
Odayaashii Reer Soomaaliland ee Aqoonta lahaa ee Siyaasiyiinta ahaa ee Saraakiisha ahaa iyaga oo aan waxba ka maqnnayn ayay haddana ayda galeen oo nin waliba xilkiisii ka dhaqaaqay, waxa ay ka dagaallameen quudhsiga Koonfur yaalla, wixii ay markii hore raadinayeen ma ay ahayn Xamar oo keli ah ee waxa ay raadinayeen Shan Soomaaliyeed. Tiina way waayeen, ka dibnna waxa ay ku hafteen qabyaaladda iyo naxliga ay la kulmeen. Waanay ka dagaallameen.

Waxaan ugu baaqayaa dhallin yarada reer Soomaalilaand ee iska qiiroonaysa, haddaad Shantii Soomaaliyeed doonaysaan, maanta lama heli karo, haddaad Xamar doonaysaanna waa taas.

Anigu haddii aan Mucaarad Soomaalilaand ahay iyo Haddaan muxaafid ahay ba macnaheedu ma aha in aan jecelahay xukunka jira ama aan necebahay. Waxaanan diyaar u nahay in aannu mar kale u dhimanno Gobannimada dadka reer Soomaalind. Waxa aanan oggolaaan karini waa Caddaalad darrada ee ma aha Dalka laftiisa.

Soomaalidu haddii ay is naceen ha kala badbaadaan oo ha kala noolaadaan. Qof kasta oo Soomaali ahna noloshiisa waan jecelahah iyo wanaaggiisa. Ama Muqdisho ha joogo ama Jigjiga ha joogo ama Jabuuti ama Gaarisa. 
Lkn ma aha in Taariikhda laga been sheego.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...