"Muddo 20 sanadood ah ayaan ahaa suxufi, taas oo fursad fiican ii siisay inaan xog buuxda iyo ogaal dhamaystiran u yeesho dadkayga"..Musharax Maxamed Raambo

0
Wednesday March 24, 2021 - 12:25:24 in News by
  • Visits: 1266
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muddo 20 sanadood ah ayaan ahaa suxufi, taas oo fursad fiican ii siisay inaan xog buuxda iyo ogaal dhamaystiran u yeesho dadkayga"..Musharax Maxamed Raambo

    "Muddo 20 sanadood ah ayaan ahaa suxufi, taas oo fursad fiican ii siisay inaan xog buuxda iyo ogaal dhamaystiran u yeesho dadkayga"..Musharax Maxamed Raambo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muddo 20 sanadood ah ayaan ahaa suxufi, taas oo fursad fiican ii siisay inaan xog buuxda iyo ogaal dhamaystiran u yeesho dadkayga"..Musharax Maxamed Raambo


Hargeysa(HWN):-Musharax Maxamed Xuseen Jaamac(Rambo) ayaa soo bandhigay qodobada uu muhiimada siin doon hadii uu ku guulaysto kursiga golaha wakiilada somaliland.




war uu soo saaray Musharax Maxamed Raambo oo uu kaga hadlay musharaxnimadiisa ayaa u dhignaa sidan "Waxa aan u taaganahay u adeegista shacabka, kor u qaadista codkooda, gaadhsiinta baahiyahooda miisaska go’aamada lagu qaato iyo xaqjiinta inay yeeshaan cid si run ah u metesha. Waa muhiim inaad doorato xildhibaan si run ah kuu metela.


Waxa aan ahay xog ogaal ku barbaaray, wax ku bartay oo ku shaqeeyey gudaha Somaliland. Waxa aan si fiican u fahamsanahay baahiyaha shacabka Maroodijeex oo aan la leeyahay xidhiidh nololeed, shaqo iyo bulsho oo toos ah.


Muddo 20 sanadood ah ayaan ahaa suxufi, taas oo fursad fiican ii siisay inaan xog buuxda iyo ogaal dhamaystiran u yeesho dadkayga. Aqoonta aan leeyahay ayaan doonayaa inaan ugu adeego dadwaynaha.


Waxa aan aaminsanahay dulqaadka bulsho, wax wada qabsiga iyo is-garabsiga, maamul daadejinta, caddaaladda iyo in bulshadu u tafo xaydato sidii ay iyagu qayb laxaad leh uga gaysan laheeyaan horumarka dalka iyo dadka.


Waxa aan mudnaanta koowaad siinayaa:


1. In xeerarka dalku noqdaan kuwo ku dhisan oo ka turjuma baahida, caqiidada, dhaqanka iyo duruufta shacabka.


2. In miisaaniyadda dalku awoodda saarto adeegyada bulsho sida caafimaadka, waxbarashada, biyaha, laydhka, shaqo abuurka iyo kobcinta reer guuraaga.


3. In wax ka badel lagu sameeyo xeerarka gaboobay ee laga dhaxlay dawladdii Maxamed Siyaad Barre.


4. In la dejiyo habraacyo iyo hagayaal hufan oo shacabku ku soo gaadhsiin karo xildhibaanada ay doortaan baahiyahooda, islamarkaana ay kula xisaabtami karaan.


5. In la xoojiyo isla xisaabtanka iyo daah-furnaanta.


6. In la gaadhsiiyo hay’adaha fulineed baahiyaha deeganada.


Murashaxa golaha wakiilada ee Gobalka Maroodi-jeex


Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo)


Loading...
Loading...