Waa Kuma Musharraxa Kaliya Ee Ismaaciil Cumar Geelle Ku Wajahaya Doorashada?

0
Wednesday March 24, 2021 - 09:30:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1521
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waa Kuma Musharraxa Kaliya Ee Ismaaciil Cumar Geelle Ku Wajahaya Doorashada?

    "Runta haddaan sheego, anigu ma doonayee dadka ayaa igu khasbaya."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Runta haddaan sheego, anigu ma doonayee dadka ayaa igu khasbaya."

Dalka Jabuuti ayaa lagu wadaa in isbuucan uu ka billowdo ololaha doorashada madaxtinnimada oo la filayo inay dhacdo horaanta bisha April ee nagu soo aaddan.



Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa mar kale ah musharrax u taagan xilka inkastoo qaar ka mid ah xisbiyada mucaaradka ay qaaddaceen doorashada kaddib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen in uusan diyaar u ahayd doorasho xor iyo xalaal ah.


Laakiin waxaa ilaa hadda isasoo taagay hal siyaasi oo tartanka ku wajihi doona.

Zakariye Ismaaciil Faarax ayaa sheegay in uu loollan galin doono madaxweynaha muddada dheer xukunka hayay, wuxuuna sheegay in uusan ka cabsaneynin ku shubasho, rajadiisuna ay ku xiran tahay oo kaliya go'aanka shacabka.


Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayuu ku yidhi: "Hadduu shakhsigu Alle talo saarto, oo uu dadaalo, dalkiisa iyo dadkiisana u sheego mashruuca uu hayo iyo wuxuu kheyraad u sido, dadka ayaa kala saari doona Alle ayaana ku gargaari doona. Dadka aaminsan in doorashada lagu shubanayo ma aha siyaasiyiin ee waa dad wax kale wada.

"

Waxaa soo baxay hadallo la isla dhex marayay oo sheegayay in Zakariye uu yahay "qof madaxweynaha taageersan oo musharraxiinta kale u hoosaasinaya", inkastoo uu isagu beeniyay arrimahaas.


"Waxaas waxba kama jiraan, sal iyo raad toona ma laha Allena wuu og yahay, addoonkaa la igu tuhmayna wuu og yahay inaysan jirin taas, waxaana rabaa in shacabka dalkeygu uu i rumeysto," ayuu yidhi.


Waa kuma siyaasiya kaliya ee la tartamaya madaxweynaha xilka haya?

Zakariye Ismaaciil Faarax wuxuu ku dhashay Jabuuti 240-kii bishii October ee sanadkii 1964-kii. Wuxuu ka mid yahay ganacsatada magaca ku leh dalka Jabuuti.


Shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay waxay ahayd inuu ku biiray ciidanka Qaranka oo uu ka tirsanaa intii u dhaxeysay 1984-kii ilaa 1989-kii.


Markii uu ka tagay howsha militariga wuxuu aaday dalka Faransiiska, halkaasoo uu kasii watay waxbarashadiisa.


Sanadkii 1993-kii 1993 ayuu helay shahaadada loo yaqaanno BTS. Markii uu dalkiisa hooyo ku laabtay 1993-kii waxa uu agaasimaha amniga ka noqday hoteel Sheraton.


Sanadkii 2001 ayuu bilaabay xirfadiisa ganacsi wuxuu noqday hal abuure ilaa iyo hadda mashruucyo badan hormood ka ahaa.


Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii shanaad u taagan xilka, waxaana uu eedeymo badan kala kulmay siyaasiyiinta kasoo horjeeda.


Dhawaan wareysi uu siiyay BBC-da ayuu ku sheegay in shacabka Jabuuti ay u baahan yihiin isaga.

"Runta haddaan sheego, anigu ma doonayee dadka ayaa igu khasbaya. Dadweynaha reer Jabuuti ayaantii dhaweyd anigoo aan wali hadlin ayey shacabku, gaar ahaan dhalinyarada igu dhaheen joog oo ha dhaqaaqin. Sidaas darteed hal mar ayaan ugu dambeyn haddii Alle yiraahdo sameynno sidaas, oo aan sii joogo si shaqada wixii qabyo naga ah aan u dhammeystirno.


"Mansab jacayl iyo madaxweynenimo wax dan ahahoo gaar ah oo aan ka doonayo ma jirto, waan gaboobay shaqaduna dhallinta ayey ku wanaagsan tahay," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.


Sanadkii 2011-kii ayuu Geelle sheegay in uu markii ugu dambeysay xilka u tartamayo, inkastoo 2016-kii uu usoo istaagay, mar kalena 2021-ka u taagan yahay.


Muddo 22 sano ah ayuu Ismaaciil Cumar Geelle soo ahaa madaxweynaha Jabuuti, haddana wuxuu u xusul duubayaa inuu xafiiska sii joogo shan sano oo kale.


BBC

Loading...
Loading...