Maxay tahay shaqada Mareykanka laga siiyay Amiir Harry?

0
Wednesday March 24, 2021 - 08:32:28 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2546
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay tahay shaqada Mareykanka laga siiyay Amiir Harry?

    "Saameynta ka dhalata caadiska qorsheysan iyo kala sooca ayaa ah sababta ugu xanuunkabadan,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Saameynta ka dhalata caadiska qorsheysan iyo kala sooca ayaa ah sababta ugu xanuunkabadan,"

Amiir Harry oo ka soo jeeda qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu madax aan toos ula macaamilayn shaqaalaha ka noqdo shirkad ku taala Mareykanka oo ka shaqaysa daryeelka xanuunada ku dhaca maskaxda.




Amiir Harry ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay inuu "runtii aad ugu faraxsan yahay" qabashada xilkan cusub.


Balse waxaa weli cadayn howlaha saxda ah uu qabanayo, saacadaha uu shaqaynayo iyo inta uu mushaarkiisu yahay.


Shaqadaan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee uu qabto tan iyo markii uu iska wareejiyay jagadii uu ka haayay boqortooyada Ingiriiska bishii Maarso ee sannadkii la soo dhaafay.


Waxay sidoo kale imaaneysaa ka dib markii Amiir Harry iyo Meghan ay wareysi aad loo daawaday siiyeen Oprah Winfrey horaantii bishaan.


Waraysi qiiro leh oo ay siisay weriye Oprah Winfrey, ayay Meghan ku sheegtay in midab takoor ay ka dareentay Qoyska Boqrtooyada Ingriirska, taasi oo kaalin ka qaadatay fikradeheeda ah inay isdisho.


Midab takoorka ka dhex jira qasriga boqortooyada iyo warbaahinta ayaa kaalin weyn ka qaatay dareenkeeda ku aaddan inaysan doonayan inay sii noolaato, sida ay sheegtay Meghan.


"Saameynta ka dhalata caadiska qorsheysan iyo kala sooca ayaa ah sababta ugu xanuunkabadan," waxaa sidaasi barteeda Instagram-ka kusoo qortay Serena Williams, oo ah ciyaaryahanad Teeniska ciyaarta, oo saaxib la ah Meghan.


Dadka qaar waxay sheegeen in reer Mareykan ay aad uga naxeen hadalka Meghan ee ah in walaac laga muujiyay midabka canugga ay dhaleen iyada iyo Amiir Harry.


Boqortooyada UK ayaa sheegtay in sheegashadu ay tahay "mid khuseysa ", laakiin si gaar ah wax looga qaban doono. Horraantii toddobaadkan, Boqortooyada ayaa sheegtay in dib u eegis lagu sameynayo kala duwanaanshaha ka dhex jiro dhammaan qoysaska boqortooyada.


Wuxuu sidoo Amiir Harry bayaankiisa ku sheegay in hadafka shaqadiisa cusub ay noqon doonto "in kor loo qaado wada hadalada xasaasiga ah ee ku saabsan caafimaadka maskaxda, in la dhiso bulshooyin taageero iyo naxariis leh, lana kobciyo dadaalada wax loogu qabanayo dadka qaba xanuunada maskaxda.


Amiir Harry si toos ah uma maamuli doono shaqaalaha, laakiin waxay u badan tahay inuu in muddo ah ku qaato xarunta shirkadda San Francisco markii ay ammaan tahay in la sameeyo, madaxa BetterUp Alexi Robichaux ayaa u sheegay Wall Street Journal (WSJ).


Wuxuu noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee shirkaddan xilka noocan ah u magacowdo, amiir Harry waxaa laga filayaa inuu talo ku yeesho dadaallada ay ka mid yihiin go'aanada dhanka istiraatiijiyadda wax soo saarka iyo bixinta deeqaha, wuxuuna si guud uga qayb qaadan doona ololaha la xiriira deeqaha lagu kabayo dadka saamaynta ay ku yeesheen xanuunadan.


Shirkadda uu Amiirka ka howl geli doono ee lagu magacaabo BetterUp, ayaa la aasaasay sanadkii 2013-kii.

Shirkadda ayaa sheegtay in shaqaale ka badan 2,000 ay bixiyaan adeegyada lagu daryeeelo dadka ay xanuunada maskaxda ka gaartay.


Amiir Harry ayaa horay u daah-furay mashruucyo sida Invictus Games, taasi oo looga gol leeyahay in xubnaha ka tirsan ciidamada qalabka sida ay ka helaan taageero dhanka maskaxda iyo jirkuba.


Amiir Harry iyo Meghan ayaa haatan ku nool California ka dib markii bishii Janaayo ay xaqiijiyeen inay si toos ah uga mid ahaan donin boqortooyada ayna ka shaqeeynayaan sidii ay ku heli lahaayeen lacag ka madax banaan tan boqortooyada.


Waxay sannadkii hore ku dhawaaqeen inay heshiis la gaareen shirkadda fililmada ee Netflix si ay ula sameeyaan mashruucyo qaar kuwaasi oo xitaa qaar kood ay ka soo dhex muuqan karaan.

 

BBC

Loading...
Loading...