Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Shacabka Kula Yaabay Cabashada Biyo La,aanta Haysata

0
Tuesday March 23, 2021 - 20:10:32 in News by
  • Visits: 1706
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Shacabka Kula Yaabay Cabashada Biyo La,aanta Haysata

    Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Shacabka Kula Yaabay Cabashada Biyo La,aanta Haysata

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Ka Tirsan Xukuumada Muuse Biixi Oo Shacabka Kula Yaabay Cabashada Biyo La,aanta Haysata


Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in marmarka qaarkood Dadka reer Somaliland lagula yaabo sida aanay ugu diyaar-garoobin Abaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhasha biyo la’aanta.



Wasiirka oo Shalay khudbad ka jeediyey Xuska Maalinta Biyaha oo dunida laga xuso 22 March, ayaa sheegay inay ceeb tahay in lix bilood gudahood Shacabka Somaliland marba ka cawdaan Harraad, marna biyo.



Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi "Gaadhi gaadhi saar uun ku jiri mayno, waalla inala yaabaa Marmarka qaar, Waayo? lix bilood gudahood ayaynu marna Roob ka cabanaynaa marna biyo la’aan ka cabanaynaa, innaga oo xogsoon in jiilaalkii soo socdo ayaynaan waxba u sii kaydsaneyn oo aynu Maalintaa maalinta ka dambaysa odhanaynaa Gaadhi gaadhi saar iyo ha la na soo gaadho.”

 


Loading...
Loading...