Duruufaha Ku Gedaaman Danyarta Caasimada Hargeysa Iyo Damaca Guracan Ee Maayar Soltelco Qorshaystay

0
Tuesday March 23, 2021 - 15:36:57 in News by
  • Visits: 1402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duruufaha Ku Gedaaman Danyarta Caasimada Hargeysa Iyo Damaca Guracan Ee Maayar Soltelco Qorshaystay

    Duruufaha Ku Gedaaman Danyarta Caasimada Hargeysa Iyo Damaca Guracan Ee Maayar Soltelco Qorshaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Duruufaha Ku Gedaaman Danyarta Caasimada Hargeysa Iyo Damaca Guracan Ee Maayar Soltelco Qorshaystay

12. 06. 2020, maalin Jimce ah ayaa aniga, Murrashax Xamse Cabdiraxmaan Khayrre   oo ku sugan guriga aan ka galo xaafadda Jigjiga-yar ee magaalada Hargeysa; aannu isla garannay in aannu soo eegno xaaladda ay ku sugan yahiin dad danyar ah oo degganaa Buurta Kala Jeexan agteeda. Laba qof oo ka mid ah dadkii halkaasi degganaa ayay subaxnimadii ku rasaaseeyeen ciidanka boolisku. Waxa ay kala ahaayeen gabadh naaska xabbad lagaga dhuftay iyo nin bawdyada laga shiishay.


Arrinkaasi sidii uu u weynaa iyo sida aanay saxaafaddu uga hadal oo aan is lahayn darteed ayaa aannu isku xil qaannay, oo aannu aadnay waqti ku beegan markii salaadda casar laga soo baxay dhulkii danyartu degganayd. Iyada oo warkaasi in aanu soo baxin aad dareemi karayso in laga sii shaqeeyay ayaa aannu ka soo warranay saddexdayadii nin ee halkaasi tagtay. Waxa aan bannaanka keennay xaqiiqadii halkaa ka jirtay, waxa nala soo xidhiidhay bulsho weyn aad u badan oo daafaha dunida ku kala nool. Sidoo kale waxaa xigtay warkii aannu ku baahinay baraha bulshada qaar ka mid ah shabakadaha wararka.

Laba ama saddex saacaddood kadib waxaa hadlay oo eeddii iyo wixii halkaas ka dhacay oo dhan dusha ku qaatay Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Dawladda Hoose, oo ka duway ciddii dhabta ahayd ee hawsha wadatay. Dawladda hoose iyo Maayar Soltelco waxba ma fuliyaan shaqadoodiina maaha. Sidoo kale Ciidankii Booliska, Wasaaraddii Arimaha Gudaha iyo dhankii ay danyarta is hayeen midna maaha.

Markii aan rogrogay sababta Maayar Soltelco uu uga hadlay arrinkani aan khusaynnin; waxa ii soo baxday in la kellifay oo uu noqday kii ugu habboonaa ee gabbood u noqon karaayay caddaalad-darrada maalintaa dhacday. In kasta oo aanay mid qarsoonba ahayn oo bulsho badani ka war haysay, waxa annaguna aannu qoraallada ku xusnay in qoyska Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay danyarta subaxaasi la galalafay dhulkaasi isku haysteen, sidaasi darteed ayaa ciddii dhabta ahayd ee arrinkan wadatay ka fikirtay sidii dhagax qudha laba shinbirood loogu wada dili lahaa.

Dhagaxaasi waxa uu noqday Maayar Soltelco.

Maaddaama arrinka dhacay weynaa, warkiina sida uu doono ha u soo baxee uu dadkii gaadhay, waxa ay xukuumaddu ku qasbanaatay in ay ka hadasho. Haddii laamihii arrinkani uu khuseeyay ka hadlaana waa calaamad tilmaamaysa cid la qarinaayo, waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo masuul kaalinta gala, xil culusna bulshada u haya, oo buuxiya labadan qodob ee kala ah; in loo arko in dawladdii ka hadashay wixii dhacay iyo in laga fogeeyo ciddii asalka dhibtan dhacday lahayd. Waayo arrimo tan ka yaryar ayaa ay mar walba ka hadlaan Laamaha Amniga ee tan ka dhuuntay.

Soltelco waxa uu magaaladan maayar ka ahaa siddeed sanno, muxuu TV-ga uu u soo fadhiisan waayay 5-ta sanno ee ka horraysay ee aanu Madaxweyne Muuse talada dalka gacanta ku qaban? Mase jirtaa dhul ay dad kale oo shacab ahi isku hayeen oo uu hore maayarku sidan oo kale uu uga hadlay? Mase jirtaa cid kale oo fulin dhul dawladdu u samayso?

Maayarka hadalkiisa waxa uu ku xusay in dhulkan oo saddex xukun oo iska danbeeyay cid loogu xukumay, kuwaas oo ay soo saareen maxkamadda gobolka, maxkamadda racfaanka iyo maxkamadda sare. Waxaa jira dad aan ogahay oo sidaa qoyska madaxtooyada loogu xukumay dhulkaasi ay saddexda maxkamadoodba u xukumeen oo Maayar Soltelco ogaan iyo baad uu doonaayo uu qorshayntii ugu samayn waayay oo uu ka hor joogo, kuwaas oo aan mar kale si balaadhan ugaga hadli doono iyaga oo caddaymahoodii wata haddii Eebbe yidhaahdo.

Haddii sharci ahaan dhul aad adigu leedahay aan anigu sandaqad ka dhisto hannaan iyo hab ka baxsan Dawladda Hoose ayaa ay leedahay, waxa lagu dumin karaa sharci ay fulinayaan ciidanka booliska.

Damaca Maayar Soltelco iyo sababta ugu weyn ee uu mar labaad u doonayo duqa caasimadda waxaa ugu muhiimsani waa sidii uu u qarin lahaa ceebo badan oo haddii uu meesha ka tago soo bixi doona, taasi oo ay ugu horrayso dhulal badan oo dad lahaayeen oo laga qaaday, waxa kale ee aan meesha ka madhnayn sidii uu u ilaashan lahaa dano gaara, sida dad xogogaal ahi ila wadaageen waxaa ka mid ah shirkad ka hawl gasha Dawladda Hoose oo uu saami (share) ku leeyahay Maayar Soltelco.

FG: Qoraalkii aan maalintaasi qoray iyo fiidyowgii hadalkii Maayar Soltelco ee isla maalintaasi hoos ka eeg.
La soco.... Q/W Cabdiraxmaan Abees

Loading...
Loading...