Hiilka Hargaysa

0
Tuesday March 23, 2021 - 10:37:06 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Hiilka Hargaysa

    Qalinkii:Eng Abdiladif Mohamed muhumed

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii:Eng Abdiladif Mohamed muhumed

Hargaysa waa magaalo madaxda jamuuriyadda Somaliland waxa ku nool ku dhawaad 1,200,000 oo qof waa magaalo aad ufidaysay tobankii sano ee lasoo dhaafay



Murayadda laga daaawado dal laguna qiimeeyo bilicdiisa iyo Hormarkiisa waa caasimadda hadba dalkaasi leeyahay  haddaba hargaysa waa halka laga qiimaynayo Somaliland hormarkeeda


Iyadoo ay  dhawdahay doorashii goloyaasha deegaanka ee jamuuridda Somaliland waxa is waydiintu tahay ?waa maxay baahiyaha asaasiga ee hargaysa leedahay ? side looga haqabtiri karaa ? yaa ka haqabtiri kara ? xildhibaano caynkeeya ayay ubahantahay inay doorkan hogaanka hargaysa noqdaan madaamoo maayarku kasoo dhex bixi doono isla xildhibaanadda ay soo doortaan shacabku ?


Yaa qaadaya masuuliyadda dibu dhaca hargaysa iyo inay la tartami kari waydo caasimadaha gobolka 10kii sano ee lasoo dhaafay ?


Waa ayo hiilka dhabtaa ee hargaysi si loo dhiso dhamaanka kaabayaasha asaasigaa ee magaaladda isla jeerkaasna ay u noqoto casimad soo jiidata dalxiisayasha caalamka sido kale noqota magaalo ganacsi ?


Si toolmoon oo aynu su aalahaas uga jawaabno u gorfoyno waxay horseedi doonta hargaysa lawadda leeyahay hargaysa lexjeclo inaga wada hayso cashuurta dad waynaha oo dad aamina gacantooda gasha , sidoo kale waxay horseedi doonta in doorkan ay soo baxaan golayaal deegaan oo aaminsan inay yihiin shaqaale wayne bulsho , ugu adeega dadka iyo magaaladdaba si hagarla’aana


10 kun oo arday oo ku jira amma ka aflaxay sanadadii udanbeeyay jamacadaha caasimadda haragaysa oo isticmaala maankooda iyo garaadkooda ku codeeya oo kaliya ayaa soo saari kara dhawr xildhibaan oo aqoon durugsan u leh baahiyaha hargaysa si aynu uga badbaadno qabqablayaasha la wato een diyaarka u ahayn inay badalaan hargaysa

Fadlan lasoco qormooyinka dambe


Qormadda kobbaad

Hiilka Hargaysa

Qalinkii:Eng Abdiladif Mohamed muhumed

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...