Somalida Qabyaaladda Ayaa Kaga Xoogweyn Diinta Islaamka
W/Q: Ibrahim Hassan Gagale
Kelitaliye gummaade ahaa oo dad siyaasad ugu laayay xukun qabiil
awgii, Qur’aanka Allaah bedelay, yidhi wiilasha iyo gabdhuhu waa u
simanyihiin dhaxalka, dilay culimo badan markii ay ka horyimaadeen
bedelidda Qur’aanka Kariimka ah, qabiil weyn rabay inuu ka dhigo wax la
gumaado iyo wax la qaxiyo nacayb awgeed, dhulkoodana rabay inuu u
qaybsho kuwo uu ku tilmaamay Ehelka Kacaanka sida ku cad Warqaddii
Geerida ee taariikhdeedu ahayd January 23kii, 1987 taas oo dembiile
dagaal General Moxamed Saciid Morgan u kala diray: Siyaad Barre oo
soddigiisa ah oo ahaa madaxweynaha kelitalisnimada qabiilka, Axmed
Saleeman Dafle oo isna Siyaad Barre soddog u ahaa isla markaana ahaa
wasiirkii arrimaha gudaha iyo Aden Gabyow oo ahaa wasiirkii
gaashaandhigga Siyaad Barre.
Afartaas nin oo isku beesha ahaa waxay caddayn u yihiin in dagaalkii
la rabay in lagu dabargooyo dadka Isaaqa uu ku salaysnaa nacayb qabiil
kaas oo ay ku kacday beeshii mindida daabkeeda haysay maalintaas,
Somalidii kalena lagu dagaalgeliyay wadaninimo been ah si ay gummaadka
uga qaybgalaan. Siyaad Barre oo ogaa inuu xukunkiisu ahaa kelitalisnimo
qabiil, ayaa gummaadka uu ku kacay Soomaali ku kala geeyay kuna kala
tagtay. Kooxdaas Muslimka sheeganaysa ee ka dul-ooyaysa qabriga Siyaad
Barre waxay u haystaan inuu ahaa geesi ummadda Somaliyeed ku faanto oo
horumar gaadhsiiyay halka uu ahaa dilaa beeshiisa naaxiya oo u boobay
xukunki ka dhaxeeyay Somali. Siyaad Baarre oo loo ammaano dadka Isaaqa
waxay la mid tahay Hitlar oo loo ammaano dadka Yuhuudda. Weligeed Somali
heshiinmayso inta ay jiraan dad la caqli ah kooxdaas dultuman qabriga
Siyaad Barre.
Ummadda Somaliland waxaan kula talinayaa inay xoogga saaraan
dhismaha ciidan milatari oo xoog leh si ay uga nabadgalaan masiibo
aadami oo ka dhalatay nacayb qabiil sida tii ku dhacday dadka Isaaqa
sannadihii u dhaxeeyay 1986-1989 oo laga gummaaday dad ka badan 50, 000,
dadkaas oo shacab ahaa, dembiga ay galeenna uu ahaa magaca qabiilkooda.
Waxa keliya ee cadowga xanuujiya oo jebiya waa ciidan xoog leh, tayo
leh oo ku qalabaysan hubka casriga ah ee isbedela. Iska ilaasha midnimo
dambe waayo Somalida qabyaaladda ayaa kaga xoogweyn Iimaanka Diinta
Islaamka. Somalidu dembiilayaasha ummad dhan dhibaato laxaad u geysta oo
burburiya midnimada, qaranimada iyo dawladnimada ayay u yaqaaniin geesi
qabiil.
Beel eeg waxay maantana Muqdisho ka samaynayaan kuwii dawladnimadii
Somaliyeed ee curdanka ahayd ku burburiyay kelitalisnimo qabiil. Dadka
noocaas ah marnaba lalama qaybsankaro dawlad rabta inay dadkeeda iyo
dalkeeda gaardhsiiso horumar.
DAAWO SIDUU SIYAAD BARRE U BEDALAY UGUNA JEES-JEESAY AYAADKA ALLAH (SWT)
https://www.facebook.com/Faadhigo/videos/3197407917028325/
Qabrigii Siyaad Barre oo Loo Ducaynayo
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...