Xog ku saabsan Fannaanaddii geeriyootay ee Siraad Cabdulle

0
Tuesday March 23, 2021 - 10:25:00 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2610
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xog ku saabsan Fannaanaddii geeriyootay ee Siraad Cabdulle

    "Ka dibna waxay noqotay Jilaaga koowaad/actress -ka kooxda Horseed ee dhanka dumarka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ka dibna waxay noqotay Jilaaga koowaad/actress -ka kooxda Horseed ee dhanka dumarka"

 Siraad Cabdulle Ugaas oo ka mid ahayd hoboladii kooxdii xoogga dalka ee Horseed waxay badhtimihii kun iyo sagaal boqol iyo afartameeyadii  ayey ku dhalatay  deegaanka Ceelbuur, 1974 waxay ka mid noqotay dadkii lagu bilaabay kooxda Milatariga ee Horseed,  waxay doorweyn ka qaadatay heesihii guubaabada u ahaa ciidanka sannadihii uu socday dagaalkii Ethiopia iyo Soomaaliya u dhexeeyey ee  1977/1978.



Ka dibna waxay noqotay Jilaaga koowaad/actress -ka kooxda Horseed ee dhanka dumarka , waxayna wax ka jishay riwaayadihii kala ahaa


1 Waqti iyo waalli jaceyl waxa curiyey Bashiir Salaad Cirro , heesta Lahashada ee Jaangow ay la qaaday ayaa ku jirtay .


2 Qalanjo Qaybsami wayday waxa curiyey Cabdiqaadir Cabdi Shube


3 Ninba Dhan u baday Waxa allifay Xasan Gabay


4 Wed Jaceyl iyo War la’aanta hablaha  Waxa curiyey Maxamed Nuur Shareeco


 5 Rug Jaceyl iyo Roob arood da’ay waxa allifay Cabdi Aadan Badey


6 Hiddihii baa doorsoomay  waxa curiyey  Maxamed Nuur Shareeco


7 Aadaa wax arkee Usha ii qabo – Cabdi Aadan Badey


8 Gardarooy Godkaagii malaguugu soo galay- Cabdi Aadan Badey


 Dadka ay la heestay waxa ka mid ahaa, Jaangow , Digfeer , Hanuuniye iyo Fannaaniin kale oo ay isku koox ahaayeen .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...