Baadhitaan Lagu Ogaaday Waxtarka Tallaalka Ee Oxford-Astrazeneca Ee COVID-19

0
Tuesday March 23, 2021 - 10:07:50 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baadhitaan Lagu Ogaaday Waxtarka Tallaalka Ee Oxford-Astrazeneca Ee COVID-19

    "Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baadhitaan ay ku sameynayeen tallaalka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baadhitaan ay ku sameynayeen tallaalka"

Daraasad maanta soo baxday ayaa muujineysaa in tallaalka ka hortagga cudurka Covid-19 ee Oxford-AstraZeneca uu yahay mid ammaan ah iyo waxtar leh.

 

Mareykanka ayaa in muddo ah baadhitaan ku sameynayay isticmaalka tallaalka.

 

In ka badan 32,000 qof isa soo bixiyay ayaa ka qeyb qaatay daraasadda kuwaas oo ku sugan Mareykanka, Chile iyo Peru.

 

Waxaana la sheegay in tallaalka uu boqolkiiba 79 uu leeyahay awood uu ku hor istaago in caalamadaha cudurka ay soo ifbaxaan halka boqolkiiba boqol uu waxtar u leeyahay ka hortagga cudurka.

 

Tiro waddamo ah ayaa go’aansaday in ay joojiyaan isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca, ka dib markii ay soo bexeen warbixinno sheegaya in dadka qaarkood ay ku dhacday xinjirowga dhiigga ka dib markii la siiyay tallaalka.

 

Dalalka Yurub ayaa soo gabagabeeyay baadhitaan ay ku sameynayeen tallaalka, waxay sheegeen in tallaalka uu yahay mid ammaan ah oo waxtar leh.

 

Ha’yadda Caafimaadka Adduunka waxay ugu baaqday dalalka caalamka in ay joojin isticmaalka tallaalka Oxford-AstraZeneca.

 

Balse afhayeen u hadashay WHO ayaa maanta sheegtay in aanu jirin wax xidhiidh ah oo ka dhaxeeya tallaalka iyo xinjirowga dhiigga.


Loading...
Loading...