Ujeedada Baaq Dawlada Masar Udirtay Dhinacyada Isku Haya Doorashada Somaliy

0
Tuesday March 23, 2021 - 09:52:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1092
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ujeedada Baaq Dawlada Masar Udirtay Dhinacyada Isku Haya Doorashada Somaliy

    Wafdi Ka Soda Somaliya Oo Safar Ku Jooga Masar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi Ka Soda Somaliya Oo Safar Ku Jooga Masar

Muqdisho (HWN) Dowladdda Masar oo kamid ah dowladaha taageera Soomaaliya ayaa ugu baaqday dhamaan dhinacyada Siyaasadda Somalia inay sii ambaqaadaan Wada-xaajoodkooda si xal dhamaystiran looga gaaro Qabsoomida Doorasho loo wada dhan yahay.


Afhayeenka Rasmiga ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Masar, Danjire Axmed Xaafid oo Saxaafadda kula hadlay magaalladda Qaahira waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay qeybaha Siyaasadda Somalia si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa Doorasho Xor iyo Xalaal oo dadka Soomaalida isla oggol yihiin, kuna qabsoonta Waqtiga ugu dhow ee ugu macquulsan.



Cakirnaanta Siyaasadda Somalia waxaa kaloo lagu soo hadal-qaaday Kulan uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar si wadajir ah uu maanta la yeeshay dhigiisa dalka Somalia iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Villa Somalia, kuwaasi oo haatan socdaal hawleed ku jooga caasimadda dalka Masar ee Qaahira

Loading...
Loading...