Dawlada Britain Oo Dhimaysa Tirada Ciidamadeed Qalabka Sida

0
Tuesday March 23, 2021 - 09:37:54 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Britain Oo Dhimaysa Tirada Ciidamadeed Qalabka Sida

    "Haddii ay arrintan i quseyn lahayd,ciidamada Britain tiradooda inta ay hadda yihiin ayay sii ahan lahaayd,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii ay arrintan i quseyn lahayd,ciidamada Britain tiradooda inta ay hadda yihiin ayay sii ahan lahaayd,"

Dowladda Britain ayaa lagu wadaa inay ku dhawaaqdo qorshaha dhimidda tirada ciidamadeed qalabka side


Sida qorshuhu yahay waxaa meesha laga saari doonaa oo la dhimi doonaa ilaa 10,000 oo askari, taasi oo qeyb ka ah qorsha casriyaynta ciidanka sida in ay yeeshaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.




Dib u habaeynta gaashaandhiga ayaa waxaa laga yaabaa in sidoo kale la dhimo diyaaradaha dagaalka iyo Taangiyada, balse taa badalkeeda waxay dowladda sheegtay "in la badin doono tirada maraakiibta,Gunjisyada badda quusa iyo guud ahaan badmaaxiinta".


Tirada ciidamada rigliga ah ee Britain ayaa waxay noqon doontaa 72,000 oo askari ka dib markii sanooyiinkii u dambeeyay ay socotay dhimistaasi.


Xoghayaha gaashaandhiga UK Ben Wallace ayaa lagu wadaa in uu arrintan sharaxaad ka siiyo aqalka baarlamaanka dalka Britain.


Wallace ayaa BBC u sheegay in go'aankani uu u qaadanayo si loo kordhiyo miisaaniyadda difaaca Britain.


Xisbiga Labor ayaa dhankooda walaac ka muujiyay tirada la dhimayo ee ciidamada.


Waxay hogaamiyayaasha Labor ku doodeen in xilligan oo ay Britain wajahayso khataro badan aysan wanaagsanayn in la dhimo tirada ciidamada.


Daraasaddii ugu dambeysay ee la sameeyay ayaa muujinaysay in tirada ciidamada UK ay tahay 80,000 oo askari sanadkan 2021, taa badalkeedana bishii October ee 2015 waxay tiradu ahayd ku dhawaad 86,000 oo askari.


Dhimidda ciiidamada ee muddooyiinkii u dambeeyay socotay ayaa waxaa loo sameyn kara iyada oo aan qofna shaqada laga tirin taa badalkeedana askarta shaqada isaga taga aan booskooda la buuxin oo aan ciidan cusub la qorin.


Waxaa sidoo kale wax badan laga badali doonaa qaabka ay u dhisan yihiin militariga dalka Britain.

Waxay ciidamada badda heli doonaan in ka badan 200 milyan oo ah lacagta UK taasi oo ah maalgalin toos ah 10 sano ee socota.


Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu fuliyo howlgalada ammaanka dhanka baddda loogana hortago"khatarada dibadda ee ku soo fool leh dalka UK."


Isbadalkii ugu waynaa tan dagaalkii qaboobaa

Dowladda ayaa ku tilmaamtay qorshahani in uu yahay kii ugu muhiimsanaa dib u habeyn lagu sameeyo gaashaandhiga iyo ciidamada qalabka side tan iyo intii uu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee aduunka.


Lacago dheeraad ah ayaa sidoo kale loo qoondeyn doonaa hormarinta diyaaradaha Drones-ka ,hawada sare iyo ka hortaga weerarada dhanka internet-ka.


Wasaaradda gaashaandhiga Britain ayaa sheegtay in ciidamada si wanaagsan loo qalabeyn doono, balse tirada ciidamada la dhimi doono.


Dhimidda tirada ciidamada ayaa laga yaabaa inay walaac galiso xulufada UK sida Mareykanka.


"Haddii ay arrintan i quseyn lahayd,ciidamada Britain tiradooda inta ay hadda yihiin ayay sii ahan lahaayd," waxaa sidasi BBC u sheegay wasiirkii hore ee gaashaandhiga Mareykanka Leon Panetta.

Ciidamada Britain ayaa waxay sidoo kale ka qeyb qaadan doonaan la dagaalanka kooxaha xagjirka ah.


Ciidamada badda ee Uk ayaa dhanka kale maraakiibta xambaarta diyaaradaha iyo Maraakiib dagaal u diri doona gobolka u dhaxeeya badwaynta Hindiya iyo tan Pacific-ka.


Ciidamada cirka ee Britain ayaa se ku howgali doona tira ka yar intii hore diyaarado nooca F-35.


Bishii November 2019, rai'sul wasaaraha Britain Boris Johnson oo ka jawaabayay su'aal la waydiiyay ayaa yiri "ma dhimeyno tirada howlaha ciidamadeena ee waxaan dhimeynaa baaxadda ciidamadeena qalabka."


BBC

Loading...
Loading...