Su'aal La Geliyay Isu Soo Dhowaanshaha Labadan Dowladood Ee Turkiga Iyo Masar

0
Monday March 22, 2021 - 18:30:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Su'aal La Geliyay Isu Soo Dhowaanshaha Labadan Dowladood Ee Turkiga Iyo Masar

    "in ujeedada Turkiga uu ka leeyahay ay tahay istaraatijiyadda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"in ujeedada Turkiga uu ka leeyahay ay tahay istaraatijiyadda"

Wargeysyada dalalka Carabta ayaa wax ka qoray sababaha dhaliyay iyo cawaaqibka ka dhalan kara tallaabadii dhawaan ay Turkiga qaadeen ee ahayd in warbaahinta mucaaradka Masar ee saldhigoodu yahay Turkiga ay yareeyaan cambaareynta ay u jeedinayaan dowladda Masar.



Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegayay in xiriir dhanka dublamasiyada ah ay sameeyen labada dal.


Qaar ka mid ah qoraayada ayaa u arka in xiriir dhex mara Qahira iyo Ankara "in ujeedada Turkiga uu ka leeyahay ay tahay istaraatijiyadda" cusub ee ugu dambeyntiina keeneysa in ay xiriir la yeeshaan dalalka Carabta gaar ahaan Masar.


Qaar kale ayaa u arka siyaasadda cusub ee Turkiga ee ku wajahan wadamada Carabta gaar ahaan Masar ay uga golleyihiin in mucaaradka dalka Masar gaar ahaan Ikhwaanul Muslimiinka, loo ogolaado in dalka ay joogaan oo cadaadiska laga dhaafo.


"Isu soo dhawaanshiyo istaraatijiyadeed"

Qoraagga lagu magacaabo Suleiman Judeh ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska Al-Masry Al-Youm ku sheegay in madaxwaynaha Turkiga uu u arkay in ay dantiisa ku jirto in uu xiriir la sameeyo xukuumadda Qaahira".


Waxaa uu qoraaga intaa ku daray in Turkiga aysan dhib u arkin in arrintan ay u cadeeyaan hoggaamiyeyaasha Ikhwaanka ee ku sugan dalkiisa, uuna kala doransiiyo in ay la jaanqaadaan boga cusub ee Turkiga iyo Masar ama ay xiraan telefishinnada ay ku leeyihiin Turkiga ayna ka tagaan dalkaas.


Balse qoraaga kale ee lagu magacabo Cumar Samir oo wax ku qora wargeyska New Arab ee London ka soo baxa, ayaa rumeysan in sababta ka dambeysa isu soo dhawaashiyaha Masar iyo Turkiga, ka dib sanado badan oo xiriirka labada dhac uu xumaa, waxa ugu muhiimsana ay tahay in dalalka Gariiga, Qubrus, iyo Israa'iil ay iska indha tireen dalka Masar, gaar ahaan heshiiskii ahaa khadka korantada iyo waliba tamarta.


Heshiiskaas Masar, Israa'iil, Gariiga iyo Qubrus ayaa ahaa midka keenay xurgufta u dhaxeysa Masar iyo Turkiga.


"Soo celinta kaalintii Turkiga"

Dhanka kale qoraaga lagu magacaabo, Fawziya Rashid, oo wax ku qorta wargeyska Akhbaarul Khaliij ee ka soo baxa dalka baxreyn, ayaa rumeysan "in fariinta furan ee uu maalmihii u dambeeyay Turkiga u dirayay Masar, Sacuudiga iyo Imaaraadka ay tahay mid ka turjumeysa Turkiga oo doonaya in kaalintooda ay dib u soo celiyaan.


Sida qoraaga ay qabto, in go'aankan waxa ku qasbay Turkiga ay tahay ka dib markii Masar ay muujisay siyaasadaheeda ku wajahan badda Mediterranean-ka iyo in ay xiriir la smeysteen Gariiga iyo jasiirada Qubrus.


Qoraaga kale ee lagu magacaabo, Amani Al Qarmi, oo wax ku qorta wargeyska Qudus ee ay leeyihiin Falastiiniyinta, ayaa rumeysan "in siyaasadaha ay Turkiga dib boorka uga jafeyaan iyo cadaadiska ka haysta gudaha dalka ee sii kordhaya ee ku aadan xiriirka xumaaday ee Masar iyo galaangal ay wadaan in ay tahay mid dib u soo celinaysa waxyaabihii ka lumay Turkiga".


Waxa ay intaa ku dartay in tallaabada isbadalka Turkiga ee ku wajahan Masar, ka dib 8 sano oo uu xiriirkooda xamaa, aysan ahayn tallaabo iska timid, balse ay tahay mid si taxadar leh looga baaraan dagay.



BBC

Loading...
Loading...