"Xukuumadda Muuse Biixi Waa LOCAL, Waxaanna U Shaqeeya Dad LOCAL Ah...." Sucaad Carmiye

0
Monday March 22, 2021 - 16:25:20 in News by A. Asbaro
  • Visits: 4194
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xukuumadda Muuse Biixi Waa LOCAL, Waxaanna U Shaqeeya Dad LOCAL Ah...." Sucaad Carmiye

    "Xukuumaddani Waa LOCAL, Waxaanna U Shaqeeya Dad LOCAL Ah...." Sucaad Carmiye

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xukuumaddani Waa LOCAL, Waxaanna U Shaqeeya Dad LOCAL Ah...." Sucaad Carmiye

Hargeisa(HWN):-Sucaad Carmiye Odowaa oo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, ayaa waxay Xukuumadda Muuse Biixi ku sifaysay mid Local oo had jeer diirrada ku haysa arrimaha gudaheenna uun ah, waxaannay sheegtay in Xukuumadda Biixi ay ku fashilantay raaddinta Ictiraafka Somaliland.



Sucaad Carmiye waxa ay sheegtay in dadkii aqoonta iyo khibradda lahaa ee dalkan u shaqayn lahaa in lagu fogaynaayo waa mucaarid iyo KULMIYE uma foottayn, markaa waxay u soo jeeddisay Xukuumadda Biixi inaanay bulshadda ku kala qaybin wax aan macno lahayn ee ay gutaan arrimaha horyaalla.

Waraysiga Aqoonyahanka wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliye, Aqoonyahan Sucaad Carmiye. - YouTube

"Waxa jirey dad badan oo reer Somaliland oo mutadawaciin ah, oo u halgami jirey Ictiraafka Somaliland, kuwaasoo somaliland u samayn jirey xidhiidho dublamaasiyaddeed iyaddoo aannay ciddina diran, taanna dawladdii Siilaanyo ayaa albaabadda u soo xidhay oo tidhi annaga uun baa matali karna Somaliland oo ka masuul ah, manna jireyso ururro matali kara Somaliland, markaa dadkii badnaa ee Ictiraafka Somaliland u dagaalami jirey way yarraadeen, iyaddoo taasi yaraatay ayay haddana Xukuumaddani timid, Xukuumaddana waxay diirrada saartaa gudaha oo kaliya.


Dadka la diray ee Xukuumaddan ku jiraa haddaad eegto waa wada Local, oo malaha khibrad iyo xidhiidho caalamiya iyo inay bulshooyin kale la soo dhaqmeen, waa dad wada local ah, markaad ruux aan waligiiba Dibad u bixin oo aan dhaqanno kala duwan la soo shaqayn oo aan aqoon iyo khibradtoonna lahayn markaad tidhaahdo dibad baan u dirsanayaa waxay la mid tahay adigoo dalkii curyaaminnaaya, markaa saddexdii sano ee Xukuumaddan ay dalka maamulaysay waxay ahaayeen saddex sano oo gudaha uun lagu mashquulsannaa.


Dalkan wax wayn baa ka qaldan marka hore waxna waa Xisbi, waxna waa dan guud, markay danta guud ee dalka taagan tahay waxa wanaagsan inaan laga fekerin kannaa WADDANI ah iyo kannaa UCID ah, laakiin waa in laga fekerraa talaabadda la qaaddaayo sida ugu habboon ee loo qaaddi karo. Anigu waxaan qabaa marar badan ayaynu kufnay, Ictiraafkiinna ku guuldaraysanay, markaa Xukuumaddan talada haysa waxaan u soo jeeddinayaa waa in la qabtaa shir balaadhan oo la iskugu yeedhaayo dadkii aqoonta iyo khibradda u lahaa hawshan, iyaddoo aan loo eegayn waa mucaarid iyo waa Xisbi hebelle, taasinna waxay albaabka u furaysaa in aynu helno qorshe cad oo Shanta sano ee soo socda lagu shaqayn karo, laakiin haddii qofkii dalkan wax ku soo kordhin lahaaba la yidhaahdo KULMIYE ayuu berri ka soo horjeedday iyo waa mucaarid, taas meel lagu gaadhi maayo.


Waxaynu Sharci u samayn la'nahay dadkii Xamar tagaayay, waxaad ogtahay in Madaxweynuhu ogolaaday in Dhalinyaradda ciyaaraha iyo kuwa Fanaaniinta ama dhaqanka ahi ay is dhex-geli karraan oo ay Xamar tagi karraan, haddana waad arkay oo la xidhayaaa, markaa bal adigu dhinac uun isku mar." Ayay tidhi Sucaad Carmiye Odowaa.

Loading...
Loading...