Wasaarada Waxbarashada Oo Amaro Ku Soo Rogtay Goobaha Tacliinta Iyo Xanuunka Covid-19 Oo Xaalad Halis Ah Galiyey Somaliland

0
Monday March 22, 2021 - 12:42:31 in News by
  • Visits: 1366
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Waxbarashada Oo Amaro Ku Soo Rogtay Goobaha Tacliinta Iyo Xanuunka Covid-19 Oo Xaalad Halis Ah Galiyey Somaliland

    Wasaarada Waxbarashada Oo Amaro Ku Soo Rogtay Goobaha Tacliinta Iyo Xanuunka Covid-19 Oo Xaalad Halis Ah Galiyey Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasaarada Waxbarashada Oo Amaro Ku Soo Rogtay Goobaha Tacliinta Iyo Xanuunka Covid-19 Oo Xaalad Halis Ah Galiyey Somaliland
Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, ayaa soo saartay Go'aamo la doonayo in lagu xakameeyo faafida Cudurka Covid19.

Go'aammada Wasaaradda ka soo baxay, ayaa waxa ay u dhignaayeen sidan,


"Maadaama oo xaalada xanuunka COVID-19 uu sii laba kacleeyey; Wadatashi iyo falanqayn ka dib waxay Wasaaradda Waxbarashada iyo Saynisku maanta oo taariikhdu tahay 21/03/2021 ay soo saartay go’aamadan:-

1. In la fuliyo dhamaan habraacyada Xanuunka COVID-19 ee ay hore usoo soo saartay Guddida heer Qaran ee ka hortaga Covid-19.

2. Si kala fogaanshaha loo hirgaliyo, fasalka cabbirkiisu yahay 8M X 6M waxaa loo ogolyahay in ay wax ku dhigtaan ugu badnaan 45 arday oo kaliya.

3. Hawl-wadeenada dugsiyada iyo Ardayda ku jirta fasalada 5aad iyo wixii ka sareeya ilaa dugsiyada Sare waa in ay AF-SAAB xidhaan wakhtiyada goobaha waxbarashada lagu jiro.

4. Sida ku cad Xeerka Waxbarshada Qaranka Lr.77/2018, Dugsiyada waxa la dhiganayaa 39 wiig ama todobaad sanadkiiba.

5. Sida ku cad siyaasadda waxbarshada Qaranka, todobaadkii waxaa la dhiganyaa 5 cisho oo ah Sabti ilaa Arbaca, waxaana la qaadanayaa 30 xiisadood oo maalin kasta la dhiganayo 6 xiisadood oo midiiba tahay 45 daqiiqo, marka laga reebo ardayda dugsiyada Hoose iyo ardayda ku jirta dugsiyada Qalin-ababka (Barbaarinta).

6. Saacadaha ardaydu wax dhiganayso gelinka hore waa 7:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo, gelinka dembana waxa ay waxbarashadu bilaabmaysaa 12:15 duhurnimo illaa 5:15 galabnimo.

7. Ardayda dugsiyada ku jirta waa in la siiyaaa fursad ay ku nususaace tagaan, illaa inta la dhammaystirayo hab-raaca nususaacaha oo wadatashigiisu socdo.

8. Waxa Reeban qodobada hoos ku xusan:-

8.1. Kulamada lagama maarmaanka ah sida kulamada waalidka, kulamada shaqaalaha, kulamada ardayda, Ciyaaraha iwm inta lagu jiro xaalada caabuqa COVID-19

8.2. In ardayda wax loogu dhigo maalin-dhaaf way reeban tahay.

8.3. In ardayda laga qaado lacag aan ahayn fiiga dugsiga iyo in ardayda lagu qasbo in ay iibsadaan buug gaar ah.

8.4. In gelinka hore ardayda dugsiga laba jeer loo kala qaybiyo. Sidoo kale waxa reeban in ardayda gelinka demba laba jeer loo kala qaybiyo.

Haddaba, waxa la farayaa dhammaan guddoomiyaasha gobolada in ay fuliyaaan awaamiirta sare ku xusan, kuwaas oo laga hirgelinayo goobaha waxbarashada dalka inta lagu jiro xaalada COVID-19.
Allaa Mahad Leh,

Loading...
Loading...