Mid Ka Mida Wasiirrada Ugu Dhow Muuse Biixi Oo Mar Kale Ku Celiyey Eedo Uu Madaxda Xisbiga WADDANI Ku Xidhiidhiyey Waddanka Soomaaliya

0
Monday March 22, 2021 - 12:21:31 in News by
  • Visits: 2098
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mid Ka Mida Wasiirrada Ugu Dhow Muuse Biixi Oo Mar Kale Ku Celiyey Eedo Uu Madaxda Xisbiga WADDANI Ku Xidhiidhiyey Waddanka Soomaaliya

    Mid Ka Mida Wasiirrada Ugu Dhow Muuse Biixi Oo Mar Kale Ku Celiyey Eedo Uu Madaxda Xisbiga WADDANI Ku Xidhiidhiyey Waddanka Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mid Ka Mida Wasiirrada Ugu Dhow Muuse Biixi Oo Mar Kale Ku Celiyey Eedo Uu Madaxda Xisbiga WADDANI Ku Xidhiidhiyey Waddanka Soomaaliya



Hargeysa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan ayaa mar kale ku celiyay eedaha uu u jeediyo masuuliyiinta xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo uu sheegay in uu u hayo caddaymo uu ku xidhiidhinayo in ay xidhiidh la leeyihiin waddanka Soomaaliya, eedahaasi oo uu marar fara badan ku celceliyo wasiirkani.

Horn Daily news - Wasiir Gadiidka Cabdilaahi Abokor ayaa... | Facebook


Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo marti ku ahaa Barnaamijka Qanci-dadkaaga ee uu baahiyo Telefishanka HCTV waxa uu mar kale ku soo qaaday oo ka hadlay su’aal laga waydiiyey eedaha uu u jeediyo Madaxda Xisbiga WADDANI ee la xidhiidha in uu ku eedeeyo in ay xidhiidh la leeyihiin waddanka Soomaaliya waxaanu si gaar ah jawaabta uu su’aashaasi ka bixiyay ugu soo qaaday Xoghayaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Khadar Xuseen Cabdi oo uu ku xidhiidhiyey dalka Soomaaliya balse uu isaga uun uga jawaabi karo haddii uu ka doono caddaymo.

Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland ayaa sheegay in uu hayo arrimo gaar ah aadna isu yaqaannaan Xoghaye Khadar isaga oo waliba sheegay shirkado gaar ah oo uu leeyahay balse aanu faahfaahin ka bixin isaga oo wasiirkani ku gaabsaday in uu ciddii faahfaahin ka rabta arrinkan diyaar ula yahay gaar ahaanna haddii Khadar uga baahdo caddaymo iyo xog dheeraad ah in uu isaga uga jawaabi karo balse qof saddexaad aanu wakhtigan diyaar u ahayn in uu kala hadlo arrintaasi.

Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland oo arrintaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: "Su’aasha Arrinkasi la iga waydiiyay waa su’aal siyaasi ah. Waxaan jeclaan lahaa in uu Khadar (Xoghayaha WADDANI) halkan yimaaddo oo uu isagu I waydiiyo. Sababta oo ah annaga ayaa wada hadalnay. Qof saddexaad in aanu ka wada hadalnana kolay ma jecli. Waxaan jecelahay kolay Khadar annagu aqoon gaar ahna waannu isku leenahay. Isaga oo shirkadda TELESOM u shaqeeyaa oo biil ururiye ah ayuu biilka iga soo dooni jiray aniga oo xisaabiye ah oo uu lacagta iga qaadi jiray. Mar isku iskuul ayaanu ahayn. Nin aannu aqoon fiican isku leenahay weeyi. Ma jecli xogtiisa in aan dadkan la wadaago. Laakiin waxaan kuu sheegayaa ficilkiisa ayay ka muuqataa waad ogtahay waxa uu ka yidhaahdo ama ku baahiyo baraha Bulshada. Waxaan is leeyahay intaasi ayaa innagu filan. Khadar nin qarsoon ma aha. Waxa kale oo jir jir shirkado uu leeyahay oo haddii uu isagu xog iiga baahdo aan la wadaagi karo”. Ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor, wasiirka jidadka iyo gaadiidka Somaliland.

 

Loading...
Loading...