Dagaal Beeleedyo Ka Taagan Gobolka Sanaag Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyey

0
Monday March 22, 2021 - 12:19:38 in News by
  • Visits: 2593
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaal Beeleedyo Ka Taagan Gobolka Sanaag Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyey

    Dagaal Beeleedyo Ka Taagan Gobolka Sanaag Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaal Beeleedyo Ka Taagan Gobolka Sanaag Iyo Xaaladihii Ugu Danbeeyey


Hargeysa(HWN):-Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya Dagaalka Deegaanka Shide ee ku teedsan Xeebta Gobolka Sanaag oo ay habeen saddexaadkii isku fara saareen Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Laba Beelood oo walaalo ah oo ka mid ah beelaha wada Dega Gobolka Sanaag ayaa wali xaaladdiisu tahay mid adag inkasta oo ay bilaabmeen waanwaan labada dhinac loogu kala dab qaadayaa.




Habeen saddexaadkii ayay ahayd markii dagaal culus oo la isku waa’ bariistay illaa barqanimadii uu dhex maray maleeshiyaad ka kala tirsan beelihii dhawaanahanba deegaankaasi ku muransanaa dhawr jeerna ku dagaalamay Deegaankaasi oo dhinaca xeebta kaga beegan Waqdariya ahna deegaan ku teedsan xeebta Gobolka Sanaag.

Sida ay nagu soo gaadhayaan warrakii ugu dambeeyey ee aanu deegaankaasi ka helayno oo xog-ogaal ahi, Abbaaro1-dii habeennimo ee saqda dhexe ee habeen-saddexaad ayaa dhallinyaro maleeshiyaad ahi deegaankaasi Shida ku dagaalameen iyada oo illaa hadda la xaqiijiyey dhimashada 4 qof oo lababa dhinac ahayd oo ka tirsanayd maleeshiyaadka dagaalamay halka dhaawacuna la xaqiijiyey in uu tobaneeye ku dhaw yahay. Sidoo kale dagaalkaasi oo socday illaa galinkii hore ee maalintaasi ayaa waxa ay labada dhinac kala qabsadeen maxaabiis iyo gaadiid iyada oo saacado dhaadheer lagu dagaalamay deegaankaasi.

Xaaladda ayaa imika yar qabawday oo deggan iyada oo odayaal dhaqan oo ka kala socda labada dhinac ay soo gaadheen deegaanka shaqaaqadu ka dhacday ee labada beelood ee walaalaha ahi ku dagaalameen, waan waantuna socoto. Sidoo kale madaxda heer Gobol ee Sanaag iyo heer Degmo ee Magaalada Ceerigaabo oo ay weheliyaan taliyayaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada qaranka ayaa xaaladdan waanwaanta ah gurmad ka galay oo odayaasha dhaqanka xoojiyay iyada oo marka hore lagu dadaalayo in xabadda la joojiyo kadibna nabadayn loo dhaqaaqo si xal looga gaadho xaaladdan colaadeed.

Deegaankan Shide iyo jiidaha ku hareeraysan ee lagu dagaalamay ayaa ka mid ah dhulka aaggaasi oo isla sidan oo kale ay labadan beelood hore dhawr jeer ugu dagaalameen iyada oo aan wali xal waara laga gaadhin iyada oo deegaankani uu hodan ku yahay macdanta dahabka ah.

 


Loading...
Loading...