Shacabka Oo Si Gaar Ah Isha Ugu Haya Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo La Filayo Dhammaadka Bishan

0
Monday March 22, 2021 - 12:16:53 in News by
  • Visits: 2346
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Oo Si Gaar Ah Isha Ugu Haya Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo La Filayo Dhammaadka Bishan

    Shacabka Oo Si Gaar Ah Isha Ugu Haya Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo La Filayo Dhammaadka Bishan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shacabka Oo Si Gaar Ah Isha Ugu Haya Shirka Golaha Dhexe Ee Xisbiga WADDANI Oo La Filayo Dhammaadka Bishan


Hargeysa(HWN):-Xisiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa tan iyo aasaaskiisa shirarkii golaha dhexe ee uu qabsaday waxa ka dhashay khilaafaad-yo kala duwan, kuwaas oo sababay inay mujaahidiin iyo siyaasiyiin miisan ku lahaa saaxadda siyaasadda Somaliland ay ka baxaan Xisbigaas, isla markaana kamid ahaa aasaasayaashii xisbiga, iyada oo labadii shir Golaha dhexe ee uu qabsaday WADDANI ay ka dhasheen muran iyo is qab-qabsi sababay inuu Xisbigu lumiyo xubno sumcad iyo karaamo ku leh saaxadda Siyaasadda dalka,isla markaana shaxday dhigaan aan la marrin.



Xisbiga WADDANI - xisbigawaddani.com

Sannadkii 2016 Iyo Loollankii Musharrax ku- xigeenka Madaxweynaha WADDANI

Bishii October Sannadkii 2016-kii ayuu Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI shirkiisii kobaad ee golaha dhexe uu ku qabsaday Magaalada Hargeysa ,kaas oo uu ka dhashay khilaafkii koobaad ee Xisbiga WADDANI ka dhex istaadhmay tan iyo aasaaskii Xisbiga,waxaanu ahaa mid ka dhashay loollankii loogu jiray jagada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka WADDANI,iyadoo Guddoomiye Cirro iyo masuuliyiinta Xisbiga ay daaqada ka saareen Guddoomiye ku-xigeenka cahdigaas ee Xisbiga Axmed Muumin Seed oo kamid ahaa aasasayaashii Xisbiga, isla markaana in baddan u soo dhabar adayga xaaladdo kale duwan oo isku arkayey isagu markaas inuu xaq uu leeyahay inuu Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga noqdo,balse taa baddelkeeda waxay Guddoomiye Cirro iyo kooxdiisii hawshaas la wadday ay wakhtigaas keeneen oo loo coddeeyey inuu Musharrax Madaxweyne ku-xigeenka noqdo Maxamed Cali Aw Cabdi oo xiligaas ahaa nin ku cusub saaxada Siyaasadda,haseyeeshee la weriyey in danno kale duwan lagu soo xushay.


Axmed Muumin Seed iyo masuuliyiin kale oo kamid ahaa aasasayaashii Xisbiga WADDANI, kuwaas oo ka cadhooday qaabka loo maamulay shirkaas iyo cugashadii Maxamed Cali iyo caydhintii Seed ayaa waxa ka dhashay inay xubnihii ka biyo diiday shirkaas ay ku bahoobaan garabka Toosinta WADDANI,waxaanay kamid ahaa Ex Wasiir Hinda Gaani , Wasiir Axmed Muunin Seed , Xildhibaan Faarax Dheere, Xildhibaan Cabdiqaadir Jibriil Tukaale iyo Siyaasin kale, kuwaas oo ku biiray markii dambe Xisbiga tallada dalka haye ee KULMIYE, waxaanay door weyn ka qateen gushii Xisbiga KULMIYE uu ka gaadhay doorashadii Madaxtooyadda ee dalka ka dhacday sannadkii 2017-kii.


Sannadkii 2019-kii Iyo Shirkii Labaad ee Golaha dhexe ee WADDANI

Shirkii labaad ee Golaha dhexe ee Xibiga Mucaaradka ah ee WADDANI ayaa dabayaaqadii bishii September sannadkii 2019-kii ka qabsoomay Magaalada Burco, kaas oo isagu aanu jirin khilaaf weyn oo ka curtay ama uu ka tegay marka laga reebo xubno qaadacay shirka oo ka biyo diiday,kuwaas oo aan ka qayb-gelin ee ka baxay Xisbiga


Dhanka kalene marka laga yimaado shirarkaas waxa jiray khilaafyo kale duwan kuwaas oo ka dhex qarxay Masuuliyiinta Xisbiga,isla markaana uu ku lumiyey Xisbigu xubno mihiim ahaa,isla markaana ay qaarkood ahayeen aasasayaashii Xisbiga,kuwaas oo ay kamid ahayeen Siyaasi Maxamed Cabdilaaahi Uurcade Xoghayihii Guud ee Xisbiga iyo Mujaahid Boobe Yusuf iyo Marwo Faadumo Siciid iyo xubno kale oo dhawaan is casiley oo kamid ahayeen Mujaahid Cabdi Haybe iyo xubno kale, waxaana marka aad eegto iscasilaada masuuliyiintan oo xiliyo kale duwan iska casiley Xisbiga aad moodaa inay isku mid tahay.


Si kastaba ha-ahaatee xisbiga WADDANI ayaa shaaciyey inuu shirkii saddexaad ee Golihiisa dhexe ku qabsanaya magaalada Hargeysa 30-ka bishan March ee sannadka 2021-ka, kaas oo u muuqda inuu ka xaararada kulul yahay labadii shir Gole dhexe ee uu hore u qabsaday Xisbigu maddaama lagu jirro xili doorasho, iyadoo ay hadda siyaasiyiin dhawr ahi qaadaceen isna casileen,halka qaar kalena ay guuxayaan, waxaana muuqata ifafaale muujinaya inuu Xisbiga WADDANI uu lumin doonno masuuliyiin miisaan kulahaa Xisbiga isla markaana door weyn ka soo qaatay guulihii Xisbiga,waxaynu dhawrnaa waa 30-ka bishan Maraj ee sannadkan 2021-ka iyo qabsoomida shirka Golaha dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ugu weyn Smaliland ee WADDANI.

 


Loading...
Loading...