Axmed Caddarre: Madaxa Komishanka Tamarta Iyo Kaadir Kulmiye Oo Waraabe Taag Ah.

0
Monday March 22, 2021 - 09:49:48 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Axmed Caddarre: Madaxa Komishanka Tamarta Iyo Kaadir Kulmiye Oo Waraabe Taag Ah.

    Qore:Cabdi Muhumed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qore:Cabdi Muhumed.

Waxay ahayd dhowr bilood uun ka hor markii uu ila soo hadlay nin aanu saaxiib nahay oo ku nool mid ka mid ah waddamadda Yurub,isagoo iigu bushaareeyay inay la soo xidheedheen maalqabeeno doonaya ina maalgashadaan waddamadda Geeska Afrika oo dabcan ay Somaliland ka mid tahay inkastoo aanay haysan aqoonsi caalamiya oo ay aad u adagtahay in lagu khamaaro lacag badan oo la galiyo iyadoo wax dhicina uu eebbe uun ogyahay.Arrintaasi runtii aad ayay ii farax galisay, markiibana waxa maskaxdaydda ku soo dhacday in fursado shaqo loo heli doono dhalinyaradda ay dishootay shaqo la’aantu ee kor u dhaaftay 80%ka, kuwaasi oo qaybo ka midi jilbaha dari doonaan nimco waaba halkii "Heestii Dhulkeena Numcaa Fadhidee” yaabba! waa ka danbeeyaaye ha iga dagdagina.



Yuusuf Cadarre waxaa loo magaacabay in dhawaale maddaxa Kommissinka Tamarta(Energy-ga)oo runtii iska ah hebel iyo reer hebel ku qanci.Haddii loo baahan yahay in tamarteena cadceedda aynu u badalano tamar la shito ama si kale uga faa’iidaysano nimcooyin badan oo Eebbe inagu galadaystay, waa ay fiicnaan lahayd taasise iima muuqato, haddana waxaa horeba u jirtay Wasaaradda shiidaalka iyo tamarta oo uu Weji-xun hor boodde ka ahaa xukuumaddii Siilaanyo iminkana uu mid xagar ku go’an yahay oo kornayl ka ahaan jiray xukuumaddii Siyaad Barre uu horboode ka yahay. Waxaan qabaa in wasaaradaasi ay qaban lahayd shaqadan Axmed Caddarre loogu samaynayo magacwaraabe taag ah amaba lagu qancinayoArdaagga uu ka soo jeeddo. Waase iska biyo batalaqsigga Xukuumadda Muuse Biixi Cabdi (Wax ma yaqaan).


Haddaba aan idiin sii ambo qaado sheekaddii ku saabsanyd Axmed Cadarre ee waxaan dag dag u raadiyay Telefoonkiisii si aan farriintan u gaadhsiiyo saaxiibkay ii soo gudbiyay iyo faraxa ku ladhan oo ah shaqo abuur ay dhalintii reer Somaliland qaar badan oo ka midi ay heli doonaan shaqo iyo camal ay ku kaafiyaan nafahoodda iyo dadkii ku soo tabcay ee waalidkood ugu mudnaa, dalkooddana ay u anfici doonaan oo ay isna wax tar u noqon doonaan.


Jabba waa ka danbeeyaaye show ninkan ku magacaaban komishanka tamartu nin xafiis lehba ma’aha.Walina shaqadda ugu way ee uu hayaa waa kaadirnimo oo waa kuwii ka soo bilaabay xilliggii Siilaanyo kaadirnimadda London ilaa uu ku gaadhay wasiirka cadaaladda.Markii danbe ee xilkaa laga qaadayna waxa uu xil suge ku ahaa Hargaysa isagoo ka tirsanaa kuwii ka soo googoostay qurbaha ee hiigsigooddu ahaa bal inay mar uun helaan woxoogay faro qabsi ah, ilayn kuma soo laaban karo qurbihii oo nolosha qurbahakow kama soo bilaabi karee. Waxa uu rajaynayay bal in mar uun lagu tuuro meel macmacaan leh oo uu daar yar oo ilaa dhowr boqol oo kun oo dollar ah ka taagto, meelahana ku darsaddo(Share) si uu uga kaaftoomo inuu u soo hayaamo mar kale qurbihii uu shalay ka faranfardeeyay.Taasina waa ay u suurta gasahay oo warshad yar oo ku taala Burco ayaa uu ku darsaday (Share) gurigii yaraa ee u uku hamiyayayna wuu ka dhistay.Intaas ayay ahayd hiigsigiisu qofkan aan isleeyahay waa uu u hiilin doonaa dhalinyaradda Somaliland oo shaqo abuurkan iyo maal-gashigan aad u soo hesheenayuu dalka iyo dadka uga faaidayn doonaa. ilayn waa hal bacaad lagu lisay oo waa ina-waxba kama jiraan runtiisuna sidaa waa ka duwan tahay.


Muddo badan ayaan ku jiray raadintiisa, aakhirkii ayaan helay taleefan uu leeyahay mudo ayaan ka garaacay Whats appka waanu qaban waayay soona celin waayay.Waxa caaddo u ah kuwa Somaliland Eebbe ku soo habaaray ee yidhaahda madax ayaanu u nahay heerkay doonaanba ha joogeene, inay sitaan ugu yaraan saddex phone kuwaasi oo ay ku khaldaan dadwaynihii la yidhi u shaqeeya. Hal phone ayaana sax ka ah oo uu ku kaydsaday inta qof ee muhiimka u ah ha noqdeen kuwo ay dawladdaa ka wada tirsan yihiin ama inta qoyskiisa iyo kuwo ku dhaw oo uu ka qabto, labada Telefoon ee kale waa Waraabe taag si lamidah sida ay iyaguba u yihiin waraabe u taag.Aakhirkii phonekii uu qaban la’aa ayaan u mariyay erayo kulul oo kuna canaantay inuu qabto ama igu soo celiyo, ugu danbayn na waa yeelay sidaa oo waxa uu ii sheegay marmarsiiyo jaban oo in xataa halkan lagu xusaa ay wax laga xishoodo tahay, sidaana waxa uu igu siiyay numberkii rasmigaa ahaa ee biyo kama dhibcaanka ahaa taasina waxa ay noo suurta galisay inaan si faahfaahsan ugu soo bandhigo maalgashigaa iyo wixii ku saabsanaa.Inkastoo uu shaki ka muujiyay markii hore oo uu tusaale u soo qaatay qaar UK, ka yimi oo xukuumaddii Riyaale iskaga dhigay inay maalgashadayaal dalka keeneen iyagoo niman cad cad oo aan dhab ahayn dalka ku lugooyay taasina ay ahayd shaki uu qabay.


Waxaan u sheegay in u shakiga uu galinayo waxaanu weli hubsan laga fiican yahay, kuwaasina aanay khusayn nimankan maalgashigga u socda oo uu arrinka ka daayo nashuushadaynta wali madhadhawa caqabadaha uu soo wadaa wax kastaaba ha u sabab noqdeene.Mudo wada hadalaynay, oo arrinkii u soo bandhignay taasina u ekaatay mid wax ka socon doonaan, jaba waa ka danbeeya wax uu noo akhriyo wax u eeg waxaanay u yaqaanaan kaadiriintaa Somaliland Eebbe ku soo habaaray ayaa haddana mudo xidhiidhkii gooyay oo nagana qaban waayay aniga iyo saaxiibkayggii kale ee maalgashigga soo helay. taasina waxay keentay bal inaanu u marino qoraaloWhatsApp, kuwaasi oo ku saabsanaa shirkadda (Website) shirkadda iyo darajadda uu saaxiibkay Kambaniga ka yahay iyo wax allaale iyo wixii macluumaad ahaa ee uu u baahnaa, kaliya ay hadhsanayd bal inuu sii anba qaado arrinkii ishii aragtaay bilig.


Halkaa markay marayso ayaan arkay inaanu ninkani waa halkii Alamsay ee gadhku gadhkaad moodayso inaanu ahayn.Si cad ayaan ugu sheegay bal ka uu yahay mid dibad wareeg ah oo aan lahayn wax xafiis ah iyo goob uu ku shaqeeyo, iskana yahay xil magacow aan dhaafsiisnayn oo waraaba taag ahiyo inuu rabbo in uu nala baayactamo oo uu ku dhici layahay. Isagoo raba in uu na waydiiyo su’aalsha ah Iska dhaafa dalkan iyo dadkan aad sheegaysaan oo Maxaa iigu jira aniga Axmed ahaan? Iyo sidii Siciid Sulub ma iigu jirtaa 20%? Waase u uku dhici la’yahay ilayn aqoon badan nooma laha waxaanu ku xidhiidhaynaana waa WhatsApp kaliya ilaa markase.


Markii uuiga maqlay eraydaa ahaa ma waxaad ka dhex arki wayday dan kuu khaasa oo sidaas ayaad la meeraysanaysaa? mise waxaad tahay mid Waraabe Taag ah oo ma dhaafsiisnid magacow Komishinka Tamarta ee lagagu magacaabayna wax muuqda oo la taaban karo ma ha? ayuu cadho cirka maray oo uu ku hantaatacay afkaaga hagaaji markii aan ku sii waday inuu labadaa mid yahay oo aanu waxba ka qaban Karin una magacownayn inuu komishankaa tamarta ee uu sheeganayo inuu madax ka yahay ugana faa’iideeyo dhalinta Somaliland ee 80% ay la il daran yihiin camal la’aan ayuu xidhiidhkiiJaray, igana qaban waayay wax danbe oo phone ah sidaana uu ku saqiiray. Mr Caddarre oo ku magacaaban madaxa Komishinka tamarta Somaliland ee waraabe taagga ah aanay ka asal ahayd guclayntii uu mudadda dheer kaga jiray London Kaadir Kulmiye inuu ahaa uun mid ku raadinayay xil uu iskugu cumaamamaddo waxaanu ku noqday Kaadirkii Kulmiye Siyaasiya ooruug caddaa ah.


Qore:Cabdi Muhumed.

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...