Farmaajo, Rooble Iyo Madaxda Saddex Maamul Goboleed Oo Kulan Yeeshay

0
Monday March 22, 2021 - 09:18:35 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1145
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farmaajo, Rooble Iyo Madaxda Saddex Maamul Goboleed Oo Kulan Yeeshay

    Warraka kulanka laga helay ayaa sheegay inay uga arrinsanayeen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warraka kulanka laga helay ayaa sheegay inay uga arrinsanayeen




Xalay waxaa kulan gaar ah Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ku yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta & qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada.

 

Shirka ayaa waxaa uu sigar ah u dhexmaray Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta& Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Warraka kulanka laga helay ayaa sheegay inay uga arrinsanayeen dhinacyada isku aragtida shirka Maanta ka dhacaya Teendhada Afisyooni ee dhex-mari doona Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada & Gobolka Banaadir.

 

Wararka ayaa sheegaya in markii dambe uu shirka gadaal kaga soo biiray Taliyaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin oo la rumeysan yahay inuu si weyn ugu lug leeyahay arrimaha siyaasadda.

 

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa shirar gaar gaar ah yeeshay Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda dowlad Goboleedyada taageersan, iyaga oo uga tashanayay arrimo dhowr ah.

 


Loading...
Loading...