Xukuumada Oo Beenisay War Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Puntland

0
Monday March 22, 2021 - 09:05:09 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Oo Beenisay War Ka Soo Yeedhay Madaxwaynaha Puntland

    "Wasiirka ayaa sheegay in warka kasoo baxay Deni uu yahay mid dad kale ay gaarsiiyeen"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasiirka ayaa sheegay in warka kasoo baxay Deni uu yahay mid dad kale ay gaarsiiyeen"

Muqdisho (HWN) Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadalkii Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ee ahaa in Afarta dhinac ciidamo laga dhigay.



Wasirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda xil-gaadhsiinta Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in aan waxba kajirin warka kasoo baxay madaxweynaha Puntland ee ah in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo dul-dhigtay halka uu degan yahay.


Wasiirka ayaa sheegay in warka kasoo baxay Deni uu yahay mid dad kale ay gaarsiiyeen, balse uusan aheyn mid uu arkay, dadkaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo fidno ka Shaqeeynaya.


Madaxweynaha Puntland ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in uusan ka warqabin shirka la sheegay in uu ka furmayo Muqdisho, isaga oo sheegay in uusan jirin amni la isku haleyn karo, isla markaana Ciidamo la dul-dhigay wallow dowladda ay beenisay

Loading...
Loading...