Madaxwayne Hore Oo Isku Badelay Hogaamiye Jabhadeed

0
Monday March 22, 2021 - 08:56:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1602
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Hore Oo Isku Badelay Hogaamiye Jabhadeed

    "Waa la soo qaban doonaa, oo la maxkamadeyn doonaa kuwa ka dambeeya dembiyadan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waa la soo qaban doonaa, oo la maxkamadeyn doonaa kuwa ka dambeeya dembiyadan"

Jabhadaha doonaya inay la wareegaan xukunka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe ayaa u sheegay wakaalad warar oo laga leeyahay Faransiiska, in hogaamiyahooda uu yahay madaxweynihii hore, François Bozizé.




Hogaamiyahan ayaa horay u beeniyay inuu ka dambeeyay kacdoonka bilowday dhammaadka sanadkii hore ee ay jabhadaha isbahaystay ku doonayaan inay xukunka uga tuuraan madaxweyne Faustin Archange Touadéra.

Sanad ka hor markii uu Bozizé si qarsoodi ah ugu soo laabtay dalkiisa, ayaa dad badan waxa ay saadaaliyeen inuu dhibaato ka shaqeynayo.


Bozize ayaa kamid ah dadka loo haysto dembiyada dagaal ee ka dhacay Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, waxaana uu ku jiraa liiska cunaqabateynta Qaramada Midoobay isagoo lagu eedeeyay inuu taageeray maleeshiyaad ka qeyb qaatay dagaalkii sokeeye.


Sababta aan illaa hadda loo qaban ayay dadka qaar ku sheegeen inay tahay in xukuumadda Bangui ay gacanta ku hayso keliya boqolkiiba 30 waddankaas, iyo in madaxweynaha hore uu taageero ku dhex leeyahay ciidamada.


Xiisadda Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe

Dowladda Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa dhammaadkii January ku dhawaaqday xaalad degdeg ah, xilli ciidamadeed iyo kuwa Qaramada Midoobay ay la dagaallamayeen jabhado ku soo siqaya caasimadda Bangui, isla markaana doonaya inay la wareegaan awoodda dalkaas.


Xooggaga dowladda la dagaallamaya oo hadda gacanta ku haya saddex meelood oo meel dalkaas ayaa hareereeyay caasimadda Bangui.


Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrika Dhexe ayaa ka digay in dalkaas uu "wajahayo xaalad khatar ah."


Jabhadaha ayaa diiddan natiijada doorashadii dhacday bishii Decembar oo uu mar labaad ku guulaystay Madaxweyne Faustin Archange Touadéra.


Dowladda dalkaas ayaa ku eedaysay Madaxweynihii hore François Bozizé, oo laga horjoogsaday inuu u tartamo doorashadii 27-kii Disembar, inuu ka dambeeyo rabshadaha sii xoogeysanaya.


"Waa la soo qaban doonaa, oo la maxkamadeyn doonaa kuwa ka dambeeya dembiyadan aan la cafin karin ee ka dhanka ah shacabka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe," ayuu yiri Madaxweyne Touadéra oo dhanka kale ku baaqay dib u heshiisiin qaran.


François Bozizé oo xukunka waddankaas qabtay 2003 afgembina looga tuuray 2013 ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay.


Baaq ah kordhinta ciidamada nabad ilaalinta

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, Mankeur Ndiaye, ayaa sheegay in dalkaas uu khatar ugu jiro luminta guulihii laga gaaray xasilloonida.


Waxa uu ugu baaqay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu kordhiyo tirada ciidamada nabad ilaalinta, isla markaana loo oggolaado inay ka falceliyaan xaaladda amni ee faraha ka sii baxaysa.


Inkastoo aanu ergayga shaacin cududa ciidan ee loo baahan yahay, ayaa haddana wakaaladda wararka ee Reuters waxa ay ka soo xigatay hawlgalka Minusca in dalkaas u baahan yahay 3,000 oo askari oo dheeraad ah, diyaaradaha dagaalka ee qumaatiga u kaca iyo xitaa ciidamada sida gaarka ah u tababaran.


Ndiaye ayaa sheegay in tiro badan oo ciidanka dowladda ah ay faarujiyeen furimaha dagaalka, tababar xumo iyo qalab yari awgood.


In ka badan 12,000 oo nabad ilaaliyayaal ah ayaa hadda ku sugan Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe.


Ka hor doorashadii Disembar, Rwanda iyo Ruushka ayaa waddankaas u diray ciidamo dheeraad ah si ay u caawiyaan dowladda. Faransiiska ayaa sidoo kale diray taakulo ciidan oo uu ku taageeray xukuumadda Madaxweyne Touadéra.

 

BBC

Loading...
Loading...