Booliiska Magaalada Bristol Ee Dalka Britain Oo La Weeraray

0
Monday March 22, 2021 - 08:48:01 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1745
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska Magaalada Bristol Ee Dalka Britain Oo La Weeraray

    "Booliiska ayaa waxay naftooda halis u galiyeen si ay noo difaacaan,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Booliiska ayaa waxay naftooda halis u galiyeen si ay noo difaacaan,"

Dibadbaxayaal ayaa weerar ku qaaday booliiska ka dib marki kumannaan qof ay isu soo baxeen magaalada Bristol taasi "oo ay booliiska horey uga digeen " in laga soo qeyb galo.




Qaar ka mid ah askarta ayaa waxaa soo gaartay waxyeelo oo waxaa qaarkood qybo ka mid ah lafaha , halka sidoo kale dad careysan ay gubeen gawaari ay booliiska leeyihiin bartamaha magaalada Bristol.


Dibadbaxayaasha ayaa isu soo baxay iyaga oo iska dhagatiray talooyiinkii ahaa in aysan magaalada mudaaharaad ka sameyn.


Waxay dibadbaxayasha ka soo horjeedaan hindisa sharciyeedka booliiska iyo dambiya.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa ku soo xoomay saldhig booliis halkaasi oo dhagxaan ay ku tuurayeen islamarkana ay darbiyada qoraalo ku xardhayeen.


Xoghayaha arrimaha gudaha ee Britain Priti Patel ayaa dhacdadan ku tilmaamtay "mid aan la aqbali Karin ".


"Rabshado iyo kala dambeyn la'aan ay sameeyaan dad yar ma aha mid loo duqaadan doono," ayay tiri.


"Booliiska ayaa waxay naftooda halis u galiyeen si ay noo difaacaan," Ayay intaa ku dartay.

Labo ka mid ah gawaarida booliiska ayaa dab la qabadsiiyay, halka sidoo kale burbur loo geystay saldhig booliis oo magaalada Bristol.


Bayaanka ay booliiska soo saareen ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah askarta uu gacanta ka jabay halka mid kale uu feer yarta ka jabay.


Dibadbaxayaasha ayaa ku dooday in sharciga cusub ee booliiska iyo dambiyada uu awood dheeraad ah siinayo booliiska taasi oo ay ku xaddidi karaan mudaaharaadyada.


Bilowgii dibadbaxyada ayaa ahaa kuwa si nabad ah ku socday, balse waxay markii dambe isu badaleen rabshado.


Waxaa wadooyiinka daadsanaa dhalooyiin, halka qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay fuuleen baalayaasha korantada.


BBC

Loading...
Loading...