Madaxwaynaha Puntland Oo Ka Hadlay Shirka Doorashada Ee Berri Muqdisho Ka Furmaya

0
Sunday March 21, 2021 - 17:29:47 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1620
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Madaxwaynaha Puntland Oo Ka Hadlay Shirka Doorashada Ee Berri Muqdisho Ka Furmaya

    "Muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay"

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni oo waraysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in aanay war u heyn shirka berito la sheegay inuu ka furmayo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.



Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystay in khilaafka doorashada ka taagan ka hor laga hadlo arinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaara u isticmaalayaan madaxda Dawladda Federaalka, wuxuuna ku eedeeyay in xalay illaa saaka ay ciidamo dheeraada soo dhoobeen aagga uu ku yaalo garoonka Aden Cadde oo ay iyagu dagan yihiin.


Wixii Deni u qabsoomay intii uu Muqdisho joogay

Labada madaxweyne ee maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku sugan Muqdisho, waxayna labadoodaba dhaliileen dowladda Federaalka ee Soomaaliya.


Dhowr goor oo hore ayey ka baaqdeen shirar uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay oo lagu dhameyn lahaa khilaafka doorashada.


Hadda Muddo toddobaad ah ayuu ku sugan yahay caasimadda Soomaaliya, halkaas oo kulamo uu kula yeeshay madaxda mucaaradka iyo siyaasiyiin kale.


Wuxuu yiri Deni: "Waxaan halkaan nimid ka dib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yama Moto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay'adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka."


"Muddadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta."


"Muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin waxayna u muuqaaysay inaysan diyaar u ahayn imaansheheena."


Maxay tahay sababta ay uga qeyb galeyn shirka uu madaxweyne Farmaajo ku dhawaaqay?

Madaxweyne Dani oo ay BBC-da weydiisay in shirka Berri la sheegay inuu dhacayo lagu casuumay amaba ay ka qeyb galayaan ayaa sheegay inay baraha bulshada ku arkeen warqadda laakin aysan warqad rasmi ah oo lagu casumay aysan jirin.


"Shirka berri furmayo ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma'da."


Dani ayaa sheegay inuu beesha Caalamka ugu baaqayo in dalka Soomaaliya uu u baahan yahay in la samata bixiyo. Waxa uu sheegay in arrimaha doorashada laga hadli karo oo keliya marka laga heshiiyo amniga iyo sida ciidamada Soomaaliya loo maamulayo.


Madaxeyne Dani ayaa horay cabasho uga muujiyay ciidamada dowladda gaar ahaan Haramcad iyo Gorgor, kuwaasi oo ku tilmaamay in ay khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.


"Horta gorgorkaan la sheegayo aniga waxaan ku maqlay maalin la yiri Galmudug baa la keenay oo uu dagaal ka socday, Gedo in la geeyayna waan maqlay, halka ugu dambeeysay ee ay ka dagaalameena waxay aahyd Daljirka Daahsoon," ayuu yiri Deni.


"Nimankan sida loo tabaray aniga shaki weyn baa iga jira, marka wax naxariis ah oo ay leeyihiina ma jirto, dadka waxa xun looma sheego laakin waan qarsan waynay," ayuu yiri isaga oo ka hadlaya ciidamadaas sida gaarka ah u tababaran.


BBC

Loading...
Loading...