Kulankii Iska hor imaadkii Shiinaha iyo Mareykanka. W/Q Cabdilaahi Ismaaciil Tayger
Shiinaha wuxuu ku celiyey 'ixtiraam wadaag' aasaas u ah wadahadalada ka soocda Alaska ee dalka mareykanka.
Diblomaasiyiin sare oo Shiineys ah ayaa kucelceliyay is ixtiraam iyo daacadnimo wax looga hadlayay xiriirka Mareykanka maaddaama wadahadal istiraatiijiyadeed oo heer sare ah uu ka billowday Anchorage, Alaska ee Khamiistii bishan 19-March-2021.
Mawqifka Shiinaha, "ee ka soo horjeedka faragelinta arrimaha gudaha," waxaa sidoo kale carabka ku adkeeyay diblomaasiyiinta Shiinuhu oo magacyadoodu yahay Yang Jiechi iyo Wang Yi ( Yang Jiechi is elected as a member of the Political Bureau of the 19th Central Committee of the Communist Party of China (CPC) and ex Chinese Foreign Minister) iyo ( Wang Yi Chinese Foreign Minister) intii ay wadahadalada kula jireen Xoghayaha Arimaha Dibada ee Mareykanka Antony Blinken iyo Lataliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.
Fadhigan ayaa ah kii ugu horreeyay ee fool ka fool ah oo dhexmara saraakiisha sar sare ee labada dhinac kadib markii maamulka cusub ee Mareykanka uu xafiiska la wareegay. Waxay sidoo kale daba socotaa wadahadalkii taleefan ee ugu horreeyay ee dhexmara Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo dhiggiisa Mareykanka, Joe Biden, ka dib markii hoggaamiyaha Mareykanka uu xafiiska la wareegay bishii January.
Eedeymaha aan macquul ka ahayn ee ka yimada Mareykanka waan diidaynaa
Shiinaha wuxuu si adag uga soo horjeedaa faragelinta Mareykanka ee arrimaha gudaha Shiinaha wuxuuna sii wadi doonaa inuu si adag uga jawaabo dawladda Shiinuhu ayuu yiri Yang Jiechi, isagoo tixraacaya arrimaha la xiriira Shiinaha ee gobolaada Shiinaha sidaa, Hong Kong iyo Xinjiang.
Dhanka kale, dhanka Mareykanka waa inuu ka fikiraa danihiisa maadaama xaaladda xuquuqda aadanaha ee Mareykanka ay dhibaatooyin badan ka jiraan, ayuu ku dhaleeceeyay.
Wuxuu ku booriyay Mareykanka in ay badalaan maskaxdooda "zero-sum mentality”, iskana dhaafaan dhaqamada qaldan sida "xukunka awooda dheer," oo ay joojiso ku xadgudubka fikradaha amniga qaranka si ay u faragaliso ganacsiga caadiga ah ee labada dal.
"Horta Aan cadeeyo in dhanka Shiinaha, Mareykanku uusan lahayn awood uu ku yidhahdo wuxuu doonayaa inuu kala hadlo Shiinaha mowqif ah," ayuu Yang carabka ku adkeeyay.
Wang Yi wuxuu ka dhawaajiyay in Shiinuhu uusan aqbali doonin eedeymaha aan macquulka ahayn ee uga imanaya Washington, isagoo ku booriyay dhinaca Mareykanka inay si buuxda uga tanaasulaan ficilladooda macangagnimada ah ee faragelinta.
Wuxuu sidoo kale xusay cunaqabateynta Mareykanka ee lugu soo ragay Shiinaha ee saaran Hong Kong bishii Maarso 17, isaga oo carabka ku adkeeyay in tallaabadani ay kicisay cadho xoog leh oo ka dhex jirta dadka Shiinaha isla markaana aan sinnaba u ruxin doonin rabitaanka adag ee dadka Shiinaha ee ah ilaalinta qaranimada iyo sharafta.
Isla maalintaas, waftiga Shiinaha waxay sidoo kale jawaab adag ka bixiyeen "eedeymaha aan macquulka ahayn" ee Mareykanka, iyagoo sheegay in khudbadaha furitaanka ee Mareykanka ay ka bateen wakhtigii loo qorsheeyay oo aan waafaqsaneyn hab maamuuska diblomaasiyadeed.
Isaga oo ka hadlaya eedeymaha saraakiisha Mareykanka ee aan loo baahneyn ee ka dhanka ah Shiinaha, Victor Gao, oo ah borofisar sare oo ka tirsan jaamacadda Soochow University, ayaa sheegay in ay "malaha si qaldan u xisaabiyeen".
Maareynta khilaafaadka si kor lugu qaado iskaashiga
Dhanka kale, labada diblomaasi ee Shiinuhu waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in si habboon loo maareeyo khilaafaadka u dhexeeya labada waddan iyo kor u qaadista iskaashiga.
Shiinaha iyo Mareykanka labaduba waa waddamo waa weyn waxayna wadaagaan dano badan oo guud oo ah la dagaalanka cudurka faafa ee COVID-19, dib u bilaabida shaqada iyo wax soo saarka, iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada, Yang wuxuu yiri, waxaan ku baaqayaa in si wada jir ah loogu dadaalo xoojinta xiriirka ka dhexeeya iyo iska ilaalinta iska hor imaadka.
Xiriirka Shiinaha-Mareykanka ayaa la kulmay dhibaatooyin aan horay loo arag, oo dhaawacay danaha labada shacab, ayuu yiri Wang, isagoo intaa ku daray in Shiinuhu uu diyaar u yahay inuu la shaqeeyo Mareykanka si ay is dhaafsadaan fikradaha ku saleysan ixtiraamka labada dhinac, iyo inay garbaha isaas saaraano sii mas'uuliyadeed.
W/Q Dr. Abdilahi Ismail Abdilahi. (School of African Studies, Beijing Foreign Studies
University, China).
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!