Xukuumada Somaliland Oo Ka Digaysa Khatarta Sii Badanaysa Ee Xanuunka Covid-19A

0
Sunday March 21, 2021 - 14:05:34 in News by
  • Visits: 1348
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Digaysa Khatarta Sii Badanaysa Ee Xanuunka Covid-19A

    Xukuumada Somaliland Oo Ka Digaysa Khatarta Sii Badanaysa Ee Xanuunka Covid-19A

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumada Somaliland Oo Ka Digaysa Khatarta Sii Badanaysa Ee Xanuunka Covid-19A



Hargeysa(HWN):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye, ayaa ka hadlay xanuunka Covid-19, oo dalka dib ugu soo laba kaclaayey, waxaanu sheegay inuu xanuunkani khatar badan yahay, oo Shacabka looga baahan yahay inay wacyigelinta si toos ah u qaatan, oo haba yaraate aanay dhayalsan.




Agaasimaha guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka Dr.Maxamed Cabdi Xargeeye, oo u warramayWargeyska Geeska Afrikaayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay "Xanuunka Koronuhu maaha xanuun fudud, oo yaan loo qaadan inuu yahay xanuun sahlan, waxaynu ka war qabnaa saamaynta uu ku yeeshay Adduunka, xanuunkani dib ayuu u soo laabtay, inkastoo aanu Xukuumad ahaan mar walba diyaar u nahay in aanu xoogga saarno badbaada dadkayaga, ALLE ayaa wax badbaadiyey, haddana waxaanu Dadweynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aanu leenahay ka hor tagista ayaa ka wanaagsan daawaynta ee waxaad ku dedaashan inaad aad iyo aad uga taxadirtaan xanuunkan, oo waxaad ku dadaashan inaad si toos ah u qaadataan wacyigelinta aanu wadno, oo marnaba wacyigelinta aanu wadno ha fududaysanina, oo ha ka soo qaadina dhayal, oo ku dedaala nadaafada, oo tilmaamaha wacyigelinta qaata, inkasta oo talaalkii inoo yimid haddana wax walba waxaa ka horeeya ka hor taga iyo taxadirka, ee aad ha loo taxadiro, oo aad looga feejignaado halista xanuunka Koronahaā€¯.

 


Loading...
Loading...