Qof Garasho Leh

0
Sunday March 21, 2021 - 13:50:32 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1030
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qof Garasho Leh

    Dugsigu waxa uu ku yiil meel miyi ah, oo aan magaalo ka ag dhowayn

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dugsigu waxa uu ku yiil meel miyi ah, oo aan magaalo ka ag dhowayn


Peter Tabichi, waa Kenyaan wax la yaab leh sameeyay, wax la yaab lena arkay. Wacdaro ayuu dhigay run ahaantii, wacadaro kalena qudhiisa ayuu qabsaday. Waxa uu ka soo jeedaa, qoys dhan oo wada macallimiin ah, isaguna waa macallin kale. Tusaale ahaan: Aabbihiis, walaalkiis, eeddadiis iyo ehelkiisa intooda badan, waa wadabareyaal wax ka dhiga iskoollada waddankaas, sidiisa oo kale. Si kastaba ha noqotee, markii ugu horraysay, waxa uu macallin ka noqday mid ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee dalkaas, markii dambena waxa uu u wareegay dugsi ay dowladdu maammusho oo loo yaqaanno Keriko Secondary School. Maaddooyinka XISAABTA iyo PHYSICS-ka ayuu ka dhigayay iskuulkaas, balse dhibaato wayn ayaa la soo deristay durbadiiba.

 

Dugsigu waxa uu ku yiil meel miyi ah, oo aan magaalo ka ag dhowayn. Ma ay oollin wax qalab ah oo macallinka kaalmeynaya, qadka internate-kuna maba uusan ka jirin halkaas. Buugaagta wax laga dhigayo, aad bay u yaraayeen, ardayduna aad bay u badnaayeen. Halkii fasal, waxaa ku dhiganayay 35-40 arday oo dhaqan ahaan iyo qoomiyad ahaan xitaa kala duwan, kuraasta fadhiguna si waafi ah uguma ay filnayn. Waxa ay ahayd meel murugo badan, oo dareen-baqasho iyo wel-wel leh. Gabdho yar yar, oo ilmo caloosha ku sida, ayaa fasallada qaarkood fadhiyay, kuwaas oo aan wax niyad ah u hayn waxbarashada, halka wiilasha intooda badanna, ay ka soo jermaadayeen guri uusan dab ka noolayn.

 

Ardaydu, waxa ay u badnaayeen agoon, iyo kuwo aan lahayn laba waalid. Niyad jab ayaa iska haystay badankood, gabdhuhuna waa ay iska guursanayeen iyagoo aan gaarin da’dii ay ku guursan lahaayeen. Peter, waxaa dareenkiisa gil-gilay noloshaas rafka ah ee ay ardaydiisu wajahayaan, sidaas oo kalena macallin la’aanta ba’an ee meesha ka jirtay ayuu aad ula dhakafaaray— Afar macallin oo kaliya, ayaa ay ku ahaayeen dugsi sidaas u wayn—Waxa uu garwaaqsaday, in xaaladdu aanay sidaas ku sii socon karin, ardayduna aanay sidaas sii ahaan karin. Hal laabtoob oo qura, ayaa iskoolka yaallay, isaguna qad ma uu lahayn; sidaas awgeed tuulo dugsiga ka fog, ayuu aadi jiray habeenkii iyo xitaa maalinkii, si uu cashirro fiican iyo qalab uga soo helo. Sidaas, ayuu u dadaal-galay, maaddaamma ay mas’uuliyaddu caynkaas tahay. Waxuu ku heesay fannaanka A. C. Cigaal, " Waayeelka xil baa dira” dhab ahaan waa runoo, waayeelka xil baa dira, mudane Peter-na xilkaas ayuun baa diray. Qalab iyo buugaag wixii uu heli karay, ayuu soo aruursaday, dabadeed tijaabooyin yaab leh iyo xirfado wax ku-ool ah ayuu ardaydii gam’aysay ku harqiyay, kolkaas baa ay mar kaliya indhaha kala qaadeen. Ilays iyo rejo ayaa ardaydii ka soo dhex bikaacsaday, dabadeed dhammaantood waxa ay heygan galiyeen maskaxdoodii iyo xitaa qalbiyadii iyo jirkii wada gaajoonaa, si ay in badan oo aqoon ah uga kasbadaan mudane Peter. Sida roobka, ayuu isna aqoon ahaan u da’ay, kolkaas bay qalbiyada u doogteen, sida weelashaba,xareedda loogu doogo—Wax ka badan toddobakiiloo mitir 7KM ayaa ay iskoolka ugasoo lugayn jireen iyaga oo dhibsanaya, laakiin markii uu Peter yimid, lugta iyo dugsiguba xiiso ayaa ay yeesheen—Peter, ardayda uu fahamkoodu hooseeyo, xiisado gaar ah ayuu mid mid u siin jiray maalmaha fasaxa ah iyo labada maalin ee nasashada, si uu kuwa kale uga daba-keeno, ama xitaa ugu sare mariyo.

Intaas oo kaliya ma ay ahayne, waxa uu mid mid u booqan jiray ehellada iyo guryaha ay degganyihiin ardaydaasi, si uu waalidka inkee u soo dhiirri-geliyo. Sheekada la yaabka leh, dad badanna la ashqaraareenayaa ah, in uu mushaarkiisa gaarka ah siddeetan boqolkiiba (80%) dib ugu celin jiray bulshada saboolka ah iyo xitaa ardayda qudhooda, taas oo runtii soo jiidasho leh. Arrimahaas oo idil, waxa ay kiciyeen dareenkii ardayda, hilow iyo rejo ayaana ka dhex abuurmay, kuna dhex abuurmay.

Tartan-aqooneed loo qabtay iskoollada dalkaas, kaalinta koowaad ayaa ay ka galeen, geesta kale, waxa ay dalka ka agaasimeen bandhigga Injinneeriyadda iyo Tiknoolajiyadda, kaas oo ay ku soo bandhigeen waxyaabo cusub oo ay soo far-sameeyeen. Intaa waxaa dheer, oo ay ku guulaysteen tarkan dhanka Sayniska ah oo lagu qabtay dalka Ingiriiska, kaas oo ay qabato sannad walba The Royal Society of Chemistry, ka dib markii ay dhirta ka dhaliyeen, danab.Siday doontaba ha noqotee, mudane Peter,waxaa loo aqoonsaday macallinkii ugu wanagaasanaa dunida oo dhan, sannadkii 2019-kii, waxaana laga soo dhex saaray kun macallin oo dunida daafeheeda laga soo aruuriyay, isagoo ahaa macallinka kaliya ee reer Afrika ah ee ku jiray tobanka qof ee ku soo haray wereeggii toban-qofaalaha—tartankaasna waxaa si sannadle ah u qabata haayadda VARKEY FOUNDATION ee fadhigeedu yahay DUBAAY. ugu dambayn, isagoo aan weligiis dalkiisa meelna uga bixin, ayaa baasabboor loo sameeyay, dabadeedna la geeyay daarta dunida ugu dheer ee BURUJ KHALIIFA, halkaas oo lagu gooddoonsiiyay abaal-marin hal milyan oo doollar ah, ilaa iyo haddana waxaa aad loo xusuustaa oraah aad loo wada dhadhansaday oo uu halkaas ka yiri, taas oo ahayd " Do more, talkless" "hadal yar iyo howl badan"

 

Cabdisalaan Ceeryaamo

Muqdisho, Soomaali


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...