Ammaanadii La Idiin Hayay Waa Lagu Shaqaystay: Qayladu illaa 2019 bay soo wacnayd!

0
Sunday March 21, 2021 - 12:20:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ammaanadii La Idiin Hayay Waa Lagu Shaqaystay: Qayladu illaa 2019 bay soo wacnayd!

    "Bulshada si gaabis ah ayuu ugu yimaaddaa, waana laga cago-jiidaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bulshada si gaabis ah ayuu ugu yimaaddaa, waana laga cago-jiidaa"

Wasiir Cabdillaahi Abokor Cismaan waa masuulki kowaad ee fagaare ka qira in dawladda hoose ee Hargeysa ka mid tahay qandaraasleyaasha dhisaya Berbera Corridor.



 "Shirkadda qandaraasyada bixinaysa ayaa ku qanacday agabka waddooyinka ee dawladda hoose ee Hargeysa, oo siisay qandaraaska.  Annagu qandaraaska ma aannaan siinnin" ayuu ka yidhi suaal aanu ku weydiinnay barnaamijkii qanci dadkaaga we Horn Cable TV


Qoraalkan Nof 2019 ayaan diyaariyay


Agabkii Waddooyinka DHH: Inta Magac Shirkadeed Loo Samaystay Ayaa Lagu Dhisaa Berbera Corridor.

Warqadda idiin muuqataa waa magacyada shirkadaha qaatay dhiska Jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera, magaca toddobaad waa mid loo samaystay agabka waddooyinka ee DHH, waxaana isla shirkadda madax u ah ninka wershadda waddooyinka masuulka ka ah.


Tallaabadan waxa la ii sheegay markii aan bilaabay qoraallada toosinta ah, waxaanan sameeyay xaqiijin iyo xog-raadin dheeraad ah. Waxa aan marka hore si kooban u eegi doonaa sidii lagu soo iibiyay agabkan ummadda ka dhexeeya ee ay qofka masuulka ka ah iyo madaxda DHH ka dhigteen kaaryoone iyo qalab ay leeyihiin.


Dawladda hoose ee Hargeysa waxa ay xaraashtay kaalintii shidaalka ee ay lahayd sannadkii 2015ka. Muu ahayn qadaraas la naadiyay, lagu beretemay, guddi loo saaray isla markaasna la mariyay sifo sharci ah. Wuxuu ahaa wax lagu kala goostay guri madaw. Tallaabo kasta oo loo qaado si xeerka baalmarsanna, kama dhalan karaan wax la mahadiyaa, waa booli isku dhex karis ah.Waxa amintaas la ii sheegay in ay kumannaan dollar kala qaateen saddexdii masuul ee ugu sarreeyay DHH.


Xildhibaan kasta markii kaalinta shidaalka la faasaxay waxa loo dhiibay lacag adag oo ah kumannaan doollar ah, wixii intaas ka soo hadhay ayaa lagu soo iibiyay qalabka waddooyinka lagu dhiso ee Hargeysa, ama wershadda ku taalla galbeedka Hargeysa. Agab gacan-labaad ah oo duug ayaa laga soo gatay Itoobiya oo ah dal aan samaynnin gaadiidka noocan ah bal se marka horeba la soo degta.


Markaas ma cashuur ay ururiyeen ayay agabka ku keeneen mise hantidii bulshada oo la xaraashay ayaa qalabkan lagu keenay? Haddii aad guryahaaga gaddo oo aad gaadho soo iibsato ma maal cusub ayaad keentay mise waa isku-beddel?. Anigu waxa aan rumaysanahay in qiimaha lagu bacad-joojiyay kaalintu uu ka badan ka lagu keenay gaadiidkan dhisa waddooyinka.


Maalmahan waxa ay agabkii dhismaha waddooyinka ee Dawladda Hoose u xuub-siinayaan kuwo ay dad gaar ahi maamulaan. Qandaraasyo ayaa lagu galaa, si shakhsi leeyahay ayaa loogu ganacsadaa. Dawladda Hoose waxa ay siddeed ku tahay toddobada shirkadood oo dhisaya jidka Hargeysa-Berbera, waa xarunta keliya ee dawliga ah ee saamiga laga siiyay qandaraaska.


Waxyaabaha guud ahaan looga faaiidaysto agabka waddooyinka DHH ee aan illaa hadda ogahay waxa ka mid ah:

1. Si gaar ah ayaa loo dheefsadaa, iyada oo lagu dhiso barxadaha (parkimg) hudheellada

2. Dawladda hoose ee Hargeysa waxa ay ka mid tahay qandaraasleyaasha qaatay mashruuca dhismaha marinka Berbera (Berbera Corridor). Waa haayadda keliya ee dawliga ah ee jidkan doorka ku leh. Waxa lagu diiwaangeliyay Management Engineering Company MEC oo uu madax u yahayAxmed-Baashe Maxamed Maxamuud Jaamac 0633166989.

Axmed-Baashe waxa uu madax u yahay wershadda waddooyinka ee DHH ka dhistay galbeedka Hargeysa, iska-rogooyinkii, cagafcagyadii iyo agabkii dadweynuhu lahaayeen ayuu si gaar ah ugu ganacsadaa, magac gaar ahna ula baxay oo uu hadda ku dhisayaa jidka Hargeysa-Berbera.


3. Waxa ay sannadkii hore waxa ay isku dayday in DHH ay qaadato qandaraaska dhismaha dhabbaha iyo barxadaha madaarka Cigaal, waxaana ka abuurmay guux cirka isku shareeray. Tallaabadaasi waa ay dhicisawday.


Bulshada si gaabis ah ayuu ugu yimaaddaa, waana laga cago-jiidaa. Agabkani waxa uu shaqeeyaa marka ay bulshadu bixiso qaadhaanka rayidka, weliba si beercaddaad ah ayaa ay ku hawl-galaan. Intee la iska dhega-mariyay waddooyinka Madaarka, Jigjigayar, Jaamacadda Hargeysa iyo qaar kale. Maxaa qabyo ka dhigay jidkii 150ka? Jidka Siinaay iyo ka Xera-awr oo uu labadaba dhawaan booqday Duqa Caasimadda Hargeysa waxa la bilaabi doonaa marka uu qalabka DHH soo dhammeeyo waddada Hargeysa-Berbera.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...