Afduub Qarsoonaa Oo Axmed Muuse Biixi Cabdi U Geystay Wiil Reer Hargeysa Ah

0
Sunday March 21, 2021 - 12:06:36 in Articles
  • Visits: 5213
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Afduub Qarsoonaa Oo Axmed Muuse Biixi Cabdi U Geystay Wiil Reer Hargeysa Ah

    Akhri Oo Dhabannada Ha Is Qaban... Waa Dhawr Cisho Ka Hor Qafaalashada Aadan Xuseen Xaashi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhri Oo Dhabannada Ha Is Qaban... Waa Dhawr Cisho Ka Hor Qafaalashada Aadan Xuseen Xaashi

Waxa aan ahay muwaaddin ka mid ah muwaaddiniinta Reer Somaliland. Waxa aan deganahay magaalada Hargeysa xaafadda Jigjiga-yar. Waxa aan jeclaystay in aan idinla wadaago afduub la igu sameeyay iyo sidii ay wax u dhaceen.



2. 03. 2021, maalin Salaasa ah ayaa qaar ka mid ah mid dhallinyaro uu qortay wiilka Madaxweyne Muuse Biixi dhalay ee la yidhaahdo Axmed Muuse Biixi aflagaado iyo hagardaamo iila yimaadeen. Dhallinyaradan oo aan qaar ka mid ah garanaayo ayaa aan ku guulaystay in aan mid ka mid ah aan ka helo sawir kaadh uu sitay oo ay ku qornayd "Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka Sirdoonka.” Waxaa ku yaaalay shaanbadii, astaantii ama (logo) Ciidanka Sirdoonka, iyo tirsiga (number) kaadhka. Waxa kale ee kaadhkaasi ku yaalay wiilkan taarikada gaadhigiisa. Waxa aan is weyddiiyay goorta uu ka mid noqday iyo sida uu uga mid noqon karo ciidanka sirdoonka inankan yari. Waxa aan si hoose u sawiray kaadhkii. Waxa kale ee ay wiilkan isku xidhan yahiin asxaab iyo isku sii qoys hoosana yahiin Axmed Muuse Biixi.


4. 03. 2021, subaxnimadii Khamiista ayaa aan la hadlay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gobolka Maroodi jeex, oo aannu aqoon hore isku lahayn. Waxa aan weyddiiyay in wiil kaasi uu ka mid yahay Ciidanka Sirdoonka inta aan magaciisa u sheegay. Taliyihu waxa uu igu yidhi, " Ma haysaa kaadhkiisa.” "Haa,” baan ku idhi, ‘‘Ii soo dir,” ayaa uu igu yidhi. Waan u diray. Taliyahii waa igu soo celiyay tilifoonkii waxa aanu igu yidhi, "Hawl fiican baad qabatay, waanan gudbiyay.” Waxa kale ee uu iigu daray in aannu wiilkaasi  inta uu ogyahay ka mid ahayn Ciidanka Sirdoonka Gobolka maroodi jeex.


Isla maalinta Khamiista ah duhurnimadeedii ayaa uu ila soo hadlay Axmed Muuse Biixi. Axmed Muuse Biixi waxa naga dhexeysay aqoon hore oo waxa aan ka mid ahaa dhallinyaradii sida gaarka ah xilka iskaga saartay waqtigii ololaha uu ku jiray Madaxweyne Muuse Biixi. Axmed Muuse Biixi waxa uu iiga bilaabay markii aan tilifoonka ka qabtay, "Saalimoow waa lagu haystaaye kaalay Xarunta Sirdoonka Gobolka.” Aniguna waxa aan ugu jawaabay, ”Adigoo kuma  ah baa i yeedhaya horta.”


Waxa uu igu yidhi, "Guulayso adigoo intaa ka yar baad ii iman.” Ana Waxa aan ku idhi, "Ha is mahadin.” Tilifoonkii waannu kala dhignay.


Markii aannu Axmed Muuse Biixi wada hadalnay kadib dhawr saacaddood abaarro afartii iyo badhkii (4:30pm) galabnimo, aniga oo ku sugan halka aan ka shaqeeyo ayaa ciidan gawaadhi wataa ii yimaadeen, katiinad baa la igu jebiyay waxa la ii qaaday guri ku yaalla xaafadda Masalaha. Qol yar oo madow baa la igu soo xidhay. Waxa aan weyddiiyay askartii maxaa la igu haystaa yaa se amray xadhiggayga? Waxa ay ii sheegeen in aan u xidhanahay Taliye ku xigeenka Ciidanka Sirdoonka Faysal Guhaad.


Qaar ka mid ah asxaabtayda oo ogaa in Axmed Muuse Biixi ila soo hadlay ayaa u tagay si ay iiga soo daayaan, sida ay ii sheegeen waxa uu ku yidhi, "Ninkaasi wuu na daba galay, laakiin idinka dartiin waan sii daynayaa.” Wuu na daba galayda anigu si wanaagsan baan u fahmayaa, Axmed Muuse Biixi waa aannu isku xidhnaan jirnay waqtigii ololahii doorashadii uu ku guulaystay Madaxweyne Muuse Biixi. Waxa aanan ka mid ahaa dhallinyaro si gaara iskugu abaabulay taageerista iyo u ololayntiisa. Markii aan balanqaadkii iyo barnaamijkii Madaxweyne Muuse ku ololeeyay aan ka waayay waxa hoos u dhacday u han weynaantii iyo rejadii aan ka qabay in uu sameeyo isbeddel dadka iyo dalkaba u horseeda horumar. Sidaa darteed  waxaaan ka gaabsaday taageeradii gaarka ahayd, waxa aanan bilaabay in aan taageero ciddii aan u arko in ay run iyo xaq sheegayso.


Waxyaabaha halkaa intii aan ku afduubnaa ka mid ahaa in aan dad mucaarid ah aan ku xidhanahay ama aan ku taageero baraha bulshada. Sida aan askartaasi ka dhadhansaday hadalkooda xog danbana aan ka helay Taliyeku-xigeenka  Ciidanka Sirdoonka Qaranka iyo Axmed Muuse Biixi waxa ay ka xanaaqeen in aan fashiliyay qorshe ka qarsoonaa Sirdoonka dalka ee kale. Waayo anigu cid kale lama wadaagin xogta ee Taliyihii Sirdoonka Gobolka ayaa aan u diray. Waxaana halkaa ka muuqata in Taliyaha Sirdoonka Gobolka oo ahaa qofkii ugu hor ogaan lahaa laga qariyay, isla markaasina hannaankii iyo qaabkii loo qoraayay ciidan cusub oo sirdoon ah la garab maray. Waxaa wiilka Sirdoonka sheeganaayay ee aan kaadhkiisa u diray Taliyaha Sirdoonka Gobolka kaadhkiisa saxeexay oo ku qornaa Taliye ku xigeenka Ciidanka Sirdoonka Taliye Faysal Guhaad.


Markii la i soo daynaayay indhaha ayaa layga xidhay, katiinadna way igu xidhnayd,  gaadhi xaajiyad ah baa laygu qaaday, waxaana lay dhigay bannaanka magaalada, agagaarka kaantaroolka Halleeya labadii iyo badhkii habeenimo (2:30pm). Waxa ayna iga qaadeen tilifoonkaygii gacanta oo shan cisho kadib ay ii soo celiyeen, iyaga oo soo masaxay kana soo dhigay sidii tilifoonka warshada lagaga soo saaray. Waxa aan la wadaagay wixii igu dhacay iyo ciddii amarka xadhigayga bixisay Taliyaha Ciidanka Sirdoonka Gobolka. Ilaa hadda waxba lagama qaban arrinkayga, cid iyo meel aan uga ashkatoodo oo dhibta la i gaadhsiiyay wax iiga qaban kartana ma garanaayo.


Guntii iyo gebagabada qoraalkan aniga oo markii hore waan ka maagayay waxana isna lahaa malaha ciddi kaa rumaysan mayso aana waan ku dhiiraday in aan bulshada la wadaago markii uu soo baxay qof kale oo muwaaddin ah oo sidaydan oo kale lagu sameeyay ilaa haddana la haysto waa Aadan Xuseen Xaashi, oo qoyskiisu sheegeen in uu u xidhan yahay wiilka madaxweynaha ee Axmed Muuse Biixi. Waxa aan aad uga xumahay in awooddii dawladnimada ee na i ilaalin lahayd aniga  iyo kuwa badan oo kalaba lagu hagardaamaynaayo maanta. Waxa aan qoraalkan kaga baxayaa tuducyo ka mid ah maansadii Danab ee uu Abwaan Cabdiraxmaan Abees jeelka ku dhex tiriyay.

Dhibbanaha la duudsiyay

Danyartiyo saboolkii

Dubbe lagu garaaciyo

Ku sii digasho mooyee

Kamay helin dalkoodii

Garsoor lagu daryeeliyo

Madax daacadoo wacan.

Dadka sida hankoodiyo

Damiirkooda loo dilo

Loo dulleeyo aadmiga

Digrii baad ku sidataan

Dugsigaad ka barateen

Inkastuu da’a weynaa

Wixii dumiyay maad garan!

Talo lagugu soo daro

Sida aad u diiddaan

Aniguna u door-biday

Dawankaan garaaciyo

Baahida dad-weynaha

Deebaaq qadhaadhiyo

Dacar inaan ku soo qoro.

W/Q Saalim cabdillahi adam (Salim wayab)

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...