Ila Qosol ... W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar.

0
Sunday March 21, 2021 - 09:02:03 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1942
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ila Qosol ... W/Q: Cabdullaahi Maxamed Cumar.

    Kala maan! Bal waa kaasiye adiguba ka garnaq!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kala maan! Bal waa kaasiye adiguba ka garnaq!
Nabad akhristayaasha sharafta mudanow,

Intiinii hore ula socotey sheekooyinkii Ila Qosol waan salaamayaa; inta ku cusubna waan soo dhaweynayaa.


Sheekadan aynnu maanta soo qaadanaynaa waa sheeko qosol leh, kuna tusaysa qabka ama hanka iyo haybadda Soomaalida ku jirey/jira - marka laga eego dhinacyada diinta iyo dadnimadaba.


Xilli ku beegnayd 1960 naadkii, ayaa waddankii la odhan jirey Jamhuuriyadda Soomaaliya waxa la keeni jirey oo ku tababaran jirey; dhallinyaro Maraykan ah oo tababar ku qaadan jirey hay'adaha dawladda ee kala duduwan - inkasta oo ay intooda badani macallinnimo ku shaqayn jireen.


Mashruucaasi ay dhallinyaradaasi ku iman jireen Soomaaliya iyo dalal kalaba waxa loo yaqaanney, peace corps.

Haddaba, dhallinyaradaasi oo qaar ka mid ah la geeyey magaalo ka mid ah magaalooyinkii dalka Soomaaliya, ayaa iskuul magaalada ku yaalley macallimiin ka noqday.


Sida iska caadada ahna, dhallinyaradii Maraykanka ahayd; macallimiintii Soomaalida ahayd ee iskuulka wax ka dhigeysey; ayay maqaaxiyaha shaaha kala soo cabbi jireen. Markii dambana makhaayad ay shaaheeda u bogeen, ayay macmiil u noqdeen.


Waxay arrintu sidaasi ku socotaba, beri dambe ayay qolyihii Maraykanka ahaa ogaadeen; in iyaga laga qaado lacag dheeraad ah oo aan laga qaadin saaxiibadooda Soomaalida ah!


Dabadeedna, warkii ayay u sheegeen macallimiintii Soomaalida ahayd. Waxana soo xaqiijinta warkaasi loo xilsaaray macallin ka mid ah macallimiintii Soomaalida iyo mid ka mid ah kuwii Maraykanka.


Labadii nin ee xograadiska ahaa ayaa u yimid ninkii makhaayadda lahaa oo weydiiyey, waxa ka jira arrintan cabashada ah ee ka soo yeedhay dhinaca dhalinyarada Maraykanka ah!?
Geesi Ilaahay ma xilee, si gabasho la'aan ah ayuu ugu jawaabey; isaga oo leh," Waa runtood oo weliba khasaare ayaan ku qabaa nimankan!!"

Macallinkii Soomaaliga ahaa oo xanaaqsan, ayaa ninkii ku yidhi' " Ma inta aad lacag dheeraad ah ka qaadid, ayaad weliba leedahay khasaare ayaan ku qabaa?!"


Ninkii makhaayadda lahaa ayaa ku jawaabey, " Sidee ayaanan khasaare ugu qabin, koob wal oo ay wax cabbaan iyo saxan (sixni) kasta oo ay wax ku cunaanba waan jabiyaaye!!"


Kala maan! Bal waa kaasiye adiguba ka garnaq!

Waa nin qab weyn iyo nin aan u qabin

Cabdullaahi Maxamed Cumar

Email: [email protected]
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...