Bisha 3 Ee Sannadka 2021 Oo Gabo-gabo Ah & Heshiisyadii Somaliland Iyo Kenya Oo Aan Weli Wax Muuqdaa Ka Hirgelin

0
Sunday March 21, 2021 - 08:53:59 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1226
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bisha 3 Ee Sannadka 2021 Oo Gabo-gabo Ah & Heshiisyadii Somaliland Iyo Kenya Oo Aan Weli Wax Muuqdaa Ka Hirgelin

    "Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines"

Hargeysa (HWN) – Badhtamihii bishii December 2020, waxa Dawladaha Somaliland iyo Kenya ay Magaalada Nairobi ku kala saxeexdeen heshiis labada dhinacba Muhiim u ahaa.




Heshiiskan oo dhacay, ka dib markii Muuse Biixi Cabdi uu Magaalada Nairobi ku tagay booqasho rasmiya, ayaa waxyaabaha lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Dawladda Kenya ay qunsuliyad ka furato magaalada Hargeysa dabayaaqada bisha March ee sanadka 2021-ka, sidoo kalena Somaliland kor u qaaddo Meeqaamka Xafiiskeeda Magaalada Nairobi.


Waxyaabaha kale ee lagu heshiiyey waxa ka mid ahaa In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha nooceeda ah ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos isaga kala gooshada Nairobi iyo Hargeysa, marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.


Waxa kale oo ka mid ahaa heshiiskaasi in Dal ku Galka Kenya la siiyo Madaxda Somaliland marka ay gaadhaan Kenya, iyagoo adeegsanaya Baasaaboorka Somaliland.


10 Maalmood baa ka hadhsan dhammaadka Bisha March, 2021 oo qorshuhu ahaa in la fuliyo heshiisyadaasi, laakiin ma muuqdaan Tallaabooyin loo qaaday fulinta heshiisyadaasi oo Wargeyska Geeska Afrika illaa hadda ogyahay.


Somaliland ayaa aad ugu baahan diyaarad la mid ah Ethopian Airlines oo ku xidha Dunida inteeda kale.

Loading...
Loading...