Shirkii U Dhaxeeyey Dawlada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedyada Oo Hada Ka Furmay Madaxtooyada Puntland

0
Sunday May 05, 2019 - 12:42:25 in News by
  • Visits: 1427
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkii U Dhaxeeyey Dawlada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedyada Oo Hada Ka Furmay Madaxtooyada Puntland

    Shirkii U Dhaxeeyey Dawlada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedyada Oo Hada Ka Furmay Madaxtooyada Puntland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkii U Dhaxeeyey Dawlada Soomaaliya Iyo Maamul Goboleedyada Oo Hada Ka Furmay Madaxtooyada Puntland

 


Garoowe(HWN):-Shirkii u dhaxeeyey dawlada federaalka ah ee soomaaliya iyo maamul goboleedyada ayaa haatan si rasmi ah uga furmay xarunta madaxtooyada maamulka Puntland.

Image may contain: 5 people, people sitting, table and indoor


Shirkan oo uu gudoominayo madaxweyne Farmaajo isla markaana ay qayb ka yihiin raysal wasaarihiisa iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa lagu sheegay inuu yahay mid wada tashi ah oo ay yeelanayaan labada dhinac, iyada oo aan la cadayn in lagu soo qaadi doono khilaafkii u dhaxeeyey dawlada Muqdisho iyo maamul goboleedyada oo mudooyinkii ugu dambeeyeyna sii xoogaysanayey.


Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo furay shirkan ayaa ka jeedinaya khudbad uu kaga hadlayo muhiimada ay leedahay wada shaqayntu, isaga oo madaxda maamul goboleedyadana u soo jeedinaya in xidhiidhka ay la leeyihiin dawlada federaalka ahi uu yahay mid muhiim u ah soomaaliya iyo sidii hore loogu socon lahaa.

Image may contain: 1 person, sitting
Image may contain: 4 people, people sitting

Shirkan ayaa mudada uu socdo la filayaa in lagu soo qaado arimo la xidhiidha doorashooyinka heer federaalka, xeerka dhawaan la ansixiyey ee doorashooyinka, amniga, dhaqaalaha iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Image may contain: 2 people, suit
Loading...
Loading...