Dowladda Turkey Oo Ka Baxday Heshiis Caalami Ah Iyo Sababta

0
Saturday March 20, 2021 - 18:09:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1993
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkey Oo Ka Baxday Heshiis Caalami Ah Iyo Sababta

    "Hase yeeshee waxaa go'aankani cambaareeyay xoghayaha guud ee Golaha Midowga Yurub"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hase yeeshee waxaa go'aankani cambaareeyay xoghayaha guud ee Golaha Midowga Yurub"

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa Sabtida maanta ah dalka Turkiga ka saaray heshiis caalami ah oo loogu tala galay in lagu ilaaliyo xuquuqda ragga iyo dumurka Turkiga.

 

Sida lagu qoray wargeyska rasmiga ah ee lagu faafiyo dikreetooyinka dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa heshiiska loogu yeero Golaha Yurub ka saaray Turkiga. Wargeyska ma uusan bixin faah-faahin ku aadan sababta uu Turkiga uga baxay heshiiskaasi.

 

Hase yeeshee waxaa go’aankani cambaareeyay xoghayaha guud ee Golaha Midowga Yurub, Marija Pejčinović Burić, oo sheegtay in tallaabadani dhabarjab ku tahay dhowrsita xuquuqda aadanaha ee dumarka Turkiga.

 

Heshiiskani oo sannadkii 2011-kii lagu saxiixay magaalada Istanbul ayaa dhigaya, in laga hortago, la maxkamadeeyo, lana cirib-tiro rabshadaha ka dhanka ah dumarka, wuxuu sidoo kale xoojinayay sinnaanta ragga iyo dumarka.

 

Sida ay qabaan dadka muxaafidka ah ee Turkiga, tan iyo markii ay Midowga Yurub iyo Turkiga kala saxiixdeen heshiiskaasi, waxaa sare u kacay dilka iyo weerarka sanad walbaa loo geysto dumarka Turkiga. Waxay kaloo heshiiskani ku eedeeyeen in uu sare u qaaday soo shaac bixidda ragga isu ekeeysiiya dumarka iyo in uu wiiqayo heykalka iyo qiyamka ay ku dhisan yihiin qoysaska Turkiga.

 

VOA


Loading...
Loading...