Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay SANAAG Iyo Xukuumada Muuse Biixi Oo Afka Xidhatay

0
Saturday March 20, 2021 - 15:35:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2392
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Dagaal Ka Dhacay SANAAG Iyo Xukuumada Muuse Biixi Oo Afka Xidhatay

    "Walllayaal joojiya dagaalka aan khasaare mooyee wax faaiido ah aan lahayn."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Walllayaal joojiya dagaalka aan khasaare mooyee wax faaiido ah aan lahayn."

Hargaysa (HWN) Xisbiga mucaaradka ah ee waddani, ayaa noqday xisbigii u horeeyay ee baaq nabadeed ka dira xaaladda deegaanka shidan ee waqooyiga gobolka sanaag




Deegaanka shidan, ayaa waxa uu dagaal ku dhex maray labo beelood oo walaalo ah kuwaas oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah isu geystay


Siyaasi Cabdilaahi Dahab oo ka mid ah saraakiisha sare ee xisbiga waddani ayaa baaqan diray wuxuuna yidhi:-


BAAQ NABAD GELYO:

Waa bishii shacbaan,Waa horaantii bishii barakeysneyd,waxaa haboon qof walboo muslina inuu u sii diyaargaroobo bishaa kheyrka leh,alle hayna waafajiyee.


Waxaan halkan baaq nabadgelyo uga dirayaa dadka wallaalaha ah ee ku dagaalamaya buurta shidan, dhiiga muslinku Waa xaaraan ,


qof muslina oo la dilaa Waa denbi qof banii aadama uu sameeyo ka ugu weyn marka laga yimaado gaalnimada.


Walllayaal joojiya dagaalka aan khasaare mooyee wax faaiido ah aan lahayn.


Mar labaad wallaalayaal joojiya dhiiga sida macno darada ah u daadanaya,alle kheyrka hana waafajiyo.


Xukuumadda somaliland weli kama hadal dagaalka labadan beelood ku dhex-maray deegaanka shidan ee waqoogiga sanaag

Loading...
Loading...