Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo kulan la Qaatay Wefti Ka Socda Midowga Reer Yurub

0
Tuesday March 05, 2019 - 21:59:49 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo kulan la Qaatay Wefti Ka Socda Midowga Reer Yurub

    Hargeysa(HWN)-Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(HWN)-Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga

Hargeysa(HWN)-Hoggaanka xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga kulan kula qaatay wefti ka socday midowga reer Yurub oo arrimaha doorashooyinka iyo Dimuqraaddiyadda ka shaqeeya.

Xubnaha weftiga ka socda midowga reer Yurub waxa xarunta guud ee xisbiga kusoo dhaweeyey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan saraakiisha sarsare ee xisbiga KULMIYE, waxana labada dhinac ay ka wada-hadleen arrimo door ah oo salka ku haya u diyargarowga doorashooyinka iyo mawqifka uu xisbiga KULMIYE ka taagan yahay sidii ay doorashooyinku waqtigii loo asteeyey ugu qabsoomi lahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahina la hadlay, ayaa sheegay inay xubnaha weftiga ah ee ka socda midowga reer Yurub kala hadleen qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh, isla markaana ay xisbi ahaan u caddeeyeen inay ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu ugu qabsoomi lahaayeen waqtiga loo asteeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,"Waxannu ka wada hadalnay laba qodob oo kala ah doorashooyinka gelayaasha deegaanka deegaanka iyo wakiillada ee aannu doonayno inay dhacdo dabayaaqada sannadkan 2019-ka, waxana ay wax naga weydiiyeen halka aannu ka taagannahay inay doorashadu dhacdo, waxana aannu u sheegnay mawqifkayagii ahaa inaanay doorashadu sannadkan 2019-ka dhaafin.”

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, waxa uu intaas ku daray inay weftiga ka socda midowga reer Yufub kala hadleen isbeddelada geeska Afrika ka socda, isla markaana ay u sharraxeen kaalinta ay ka geli karaan, "Qodobka kale ee aannu ka wada-hadalnay, ayaa waxa kamid ah isbeddelka geeska iyo xidhiidhka aannu la leenahay dalalka jaarka sida Jabuuti iyo iyo Itoobiya, mawqifka aannu ka taagannahay iyo inuu xidhiidhkayagu wanaagsanaadona waannu u sheegnay,” ayuu yidhi guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere.

[email protected]

Hadhwanaagnews,Office

Hargeisa,Somaliland


Loading...
Loading...