Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Wax Lagu Qoslo Ku Tilmaamay Shir Uu Farmaajo Iclaamiyay

0
Saturday March 20, 2021 - 09:09:45 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1513
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Oo Wax Lagu Qoslo Ku Tilmaamay Shir Uu Farmaajo Iclaamiyay

    "in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo"

Muqdisho (HWN) – Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa ka hadlay shirka uu markale ku baaqay madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday, ee Somaliya.


Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in aanu wakhtigan madaxwayne Farmaajo Sharciyada uu iskugu yeesho madaxda maamul goboleedyada aanu haysan



"Waa arrin lagu qoslo in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday si uu isaga dalfiyo fariinta kulul ee uga timid Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka, in uu shir uusan sharciyad u haysan isugu waco rag maalmo badan Magaalada dhinac ka joogo,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah musharraxiinta mucaaradka.


Shirkan ee uu markale iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday oo socon doono muddo labo cisho ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda cakiran ee dalka.

Loading...
Loading...