Amiir Carab Ah Oo Ka Cadheysiiyay Dalka Nepal

0
Saturday March 20, 2021 - 08:57:44 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Amiir Carab Ah Oo Ka Cadheysiiyay Dalka Nepal

    "Wasaaradda caafimaadka iyo wakaalaad dawooyinka ee Nepal kama warqabaan in tallaal dalka la soo geliyey"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Wasaaradda caafimaadka iyo wakaalaad dawooyinka ee Nepal kama warqabaan in tallaal dalka la soo geliyey"

Wakaaladda daawooyinka Nepal ayaa sheegtay in ay bilaabayso baadhitaan ah sida ay ugu suurto gashay Amiir u dhashay Baxrayn inuu dalkaa la galo tallaalka ka hortagga fayraska Korona.



Maxamed Bin Xamad Maxamed Al-Khaliifa ayaa Isniintii gaaray dalka Nepal isaga oo sita qiyaastii 2000 oo irbadood oo talaalka AstraZeneca ah.

Wakaalada dawooyinka Nepal ayaa sheegtay in aanu arintaa ruqsad u haysan.


Laakiin safaaradda Baxrayn ee London ayaa sheegtay inuu ruqsad u haystay arintaas, baaritaankaasina ka dhashay isfaham darro dhacday.


Sidoo kale safaaradda Baxrayn ku leedahay Nepal ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegtay in Amiirka iyo weftigiisu doonayeen in ay talaalka ugu deeqaan dadka ku nool tuulooyinka degmada Gorkha.


Talaadadii ayaa Thenashwor Guragain oo ah af-hayeen u hadlay shirkadda dalxiiska ee Seven Summits Trek, oo ah shirkadda qabanqaabisay socdaalka Amiirka, u sheegtay wargeyska Himilayan Times in ka dib muddo todoba maalmood ay karantiin ku jireen, ay kooxdu u socdaalayaan miyiga Chumnurbi ee degmada Gorkha.


Halkaas ayuu sheegay in qorshuhu ahaa in "2000 oo irbadood oo talaalka AstraZeneca ee fayraska korona loogu deeqi lahaa dadka ku nool tuulada Samagaun".


Markaa ka dib ayaa qorshuhu ahaa in Amiirka iyo kooxdiisu fuulaan buurta Everest, ayuu intaa ku daray Guragain.


"Wasaaradda caafimaadka iyo wakaalaad dawooyinka ee Nepal kama warqabaan in tallaal dalka la soo geliyey. Waxaa na loo sheegay in wefti shalay galabtii yimid waxaananu maqalnay in ay keeneen 2000 oo irbadood oo talaal ah arintaas oo weli la baadhayo" ayuu yiri af-hayeen u hadlay wakaalada daawooyinka oo BBC-da la hadlay.


Qofka dalka dawooyin keenayaa waa inuu marka hore fasax ka qaataa dawladda oo uu bixiyaa balan qaad ah in dawooyinkaa si haboon loo kaydinayo, ayay ku warantay warbaahinta maxaliga ah ee Nepal.


Safaaradda Baxrayn ayaa dhankeeda sheegtay in ruqsad la siiyey laakiin ay suurto gal tahay in is faham darro ay ay ka jirto waaxyaha maamulka Nepal.


Nepal waxay bilowday olole talaal 27 Jeeniweri, waxaana mudnaanta koobaad la siinayaa dadka safka hore kaga jira la tacaalidda cudurka, haatanna waxa la talaalayaa dadka da'doodu tahay 65 jirka.


BBC

Loading...
Loading...