Waddanka Dunida Ugu Farxadda Badan Oo La Shaaciyey

0
Saturday March 20, 2021 - 08:52:13 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waddanka Dunida Ugu Farxadda Badan Oo La Shaaciyey

    "Waddamada daraasadda qaybta ka ahaa seddex meelood meel waxa laga dareemayey shucuur aan wanaagsaneyn"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waddamada daraasadda qaybta ka ahaa seddex meelood meel waxa laga dareemayey shucuur aan wanaagsaneyn"


Warbixin sanadla ah oo ay qaramada midoobay soo saartay ayaa sheegtay dalka Finland inuu yahay dalka ugu farxadda badan dunida.



Warbixinta laga diyaariyey waddamada dunida ugu farxadda badan kaalinta labaad waxaa uga jira dalka Denmarka, halka dalalka Swizerland, Iceland iyo Netherland ay kaalmaha xiga galeen.


New Zealand oo ka baxsan waddamada qaaradda Yurub ayaa ka mid noqday liiska 10-ka dal ee dunida ugu farxadda badan.


Ingiriiska oo sanadki hore ku jiray kaalinta 13-aad, wuxuu sanadkan u daadagay kaalinta 17-aad.

Kooxaha daraasadda sameeyey waxay su'aalo weydiiyeen dadyow kala duwan oo ku nool 149 dal si ay u ogaadeen farxadda ay haystaan.


Qodobbada daraasadda lagu eegayeyna waxaa ka mid ahaa taageerada buslho uu helo, xurriyadda shaqsiyadeed, wadarta wax soo saarka gudaha (GDP) iyo heerka musuqmaasuq ee dalkaasi oo iyaduna ka mid ahayd waxyaabaha daraasadda qaybta ka ahaa.


Waddamada ugu farxadda yarn dunidana daraasaddu waxay ku sheegtay iney yihiin dalalka Afghanitsaan, Lesotho, Botswana, Rwanda iyo Zimbabwe.


"Waddamada daraasadda qaybta ka ahaa seddex meelood meel waxa laga dareemayey shucuur aan wanaagsaneyn oo ay wadaageen oo ka timid saameynta cuduka safmarka ee Covid-19" ayey yirahdaan khubarada warbixinta daraasadda soo saartay.


Si kastaba ha ahaatee, xaaladda 22 dal waxay ahayd mid wanaagsan. Waddama dhowr ah oo ku yaalla qaaradda Aasiya wey ka wanaagsanaayeen kaalmihi ay sanadkii hore galeen, halka Shiinaha oo sanadki hore ku jiray kaalinta 94-aad uu sanadkan galay kaalinta 84-aad.


Finland "Kaalinta ugu horreyso ayey ka gashay dadaalka ay u gashay badbaadinta arrimaha ay muwaaddiniintu ka mideysan yihiin ee quseeya noolasha iyo hab-noolaleedka bulshada inta uu socday cudurka safmarka" ayey yirahdeen khubarada daraasadda sameysay.


Waddamada Scandinavian-ka oo ka kooban 5.5. malyan oo qof ayaa si aad ah uga maareyn ogaa qaaradda Yurub inteeda badan inta uu socday cudurka safmarka.


Sida ay sheegeyso xogta laga helay jaamacadda John Hopkins oo uruuriso macluumaadka Covid-19 ee dunida Scandinavian-ka waxaa laga diiwaan geliyey 70,000 oo kiis oo fayraska korona iyo 805 dhimasho ah.


Warbixinta qaramada midoobay ay soo saartay 10-ka dal ee ugu farxadda badan waxay ku sheegtay iney yihiin:


  • Finland
  • Denmark
  • Switzerland
  • Iceland
  • Netherlands
  • Norway
  • Sweden
  • Luxembourg
  • New Zealand
  • Austria

BBC

Loading...
Loading...