Taliyaha Ciidanka C.I.D Oo Ku Kacay Qorshe Uu Ku Dibin Daabyaynayo Musharax Shucayb

0
Friday March 19, 2021 - 18:22:29 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2113
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyaha Ciidanka C.I.D Oo Ku Kacay Qorshe Uu Ku Dibin Daabyaynayo Musharax Shucayb

    "Nuxurka Qoraal Fadeexad Ku Ah Dawladnimada!"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nuxurka Qoraal Fadeexad Ku Ah Dawladnimada!"

HARGAYSA(HWN)-Taliyaha Ciidanka laanta danbi baadhista Somaliland ee C,I,D Gen. Ismaaciil shuuro ayaa kukacay  fal uu ku faro galinayo shaqada xafiiska imtixaanaadka iyo komishanka tacliinta sare kaasi oo aan ka dalbadan wada shaqayn ah iyo baadhitaan ay uga baahiyiin balse taliye shuuro ayaa isagoo adeegsanaya awooda xafiiska ciidanka dawlada ee uu masuulka ka yahay waxa uu warqad qoraal oo amar ah uqoray iskuulka Alfuraan maamulkiisa isagoo ka dalbaday in ay soo cadeeyaan shahaadada dugsiga sare ee musharax Shucayb Maxamed Muuse in ay sax tahay iyo in ay been abuurtay.

 

Hadaba talaabada u taliye shuuro ku kacay ayaa noqotay mid buslhada reer Somaliland ee maqasahy ku noqotay amakaag iyo fajac sobobta masuulkan ku kaliftay in uu awoodii ciidanka iyo haybadii booliska uga faa’iidayso ukala hiilinta laba musharax oo ay isku beel yihiin u adeegida musharax Cabdikariim oo ay habeen iska xigaa shucayb.




Iyadoo Inbadan lagu celceliyo ciidanka boolisku waa saaxiibka  dadwaynaha dadkuna ay aad indhaha ugu hayaan isbadalada uu ballan qaadayay Taliyaha ciidanka booliska Jsl Mr Daba Gale


Sidoo kale dhacdadan  ugubka ku ah ciidanka booliska somaliland khatarna galin karta amniga guud ee dalka isla markaana sababi karta in dadku reero isku weeraraan Iyo dhagaraha qarsoon ee ay maleegayaan qaar ka mid ah saraakiisha ugu sarraysa ciidanka booliska Somaliland.


Hadaba dhacdadan  ciidanka booliska ee sharafta lahaa loo Adeegsanayo dano gaar ah oo sharciga dalka u yaala baal marsan isla markaana nin masuul ahi ciidanka ahi ugu hiilinayo Musharax ay habeen is xigaan oo dadkuna moodayaan nin umada u dhex ah


Waxa dhacday in ninka la yidhaahdo ismaaciil shuuro oo hada ah k/s taliya C.I.D uu si qaawan u weeraray Musharax Shucayb Maxamed Muuse ka sharraxan xisbiga ucid golaha Wakiilada jsl ee gobolka maroodi jeex.

Musharax shucayb waxay wada tartamayaan Musharax Cabdikariim oo ay labaduba isku beel kasoo wada jeedaan


Ismaaciil shuuro labadan musharax waa la beel lakiin hal habeen ayuu xigaa dhinaca musharax Cabdikariim sidaa awgeed ayuu dhinaca u saarayaa Musharaxaa habeenka xiga


Hadaba taliye Ismaaciil Shuuro Muxuu Sameeyay?

Waxa uu sameeyay arin la yaab leh isagoo iska dhigaya inuu baadhayo dambi dhacay , dafirsan shaqada ay qaranka u hayso wasaarada waxbarashada gaar ahaan xafiiska imtaxaanaadka qaranka oo isagu u xil saaran hubinta iyo tastiiqinta shahaadooyinka wax barashada qaranka haystana qalabka  Casriga ee lagula dagaalamo shahaadooyinka foorjariga ah ama suuqa laga samaysto


Xafiiskaasi waxa uu hore u tasdiiqiyay sugnaanta shahaadooyinka Musharax Shucayb Maxamed Muuse 10/03/2021


Ismaaciil shuuro waxa uu 16/03/2021 Qoraal  u qoray dugsiga sare ee al Furqaan oo ahaa dugsigii uu ka baxay Musharax shucayb , waxa uu dugsiga farayaa sida ku cad qoraalkiisan amar adag oo uu leeyahay waxaan idinku Amrayaa inaad si deg deg ah iigu soo cadaysaan shahaadada uu ku qoran yahay Shucayb Maxamed Muuse in ay tahay mid sax ah iyo mid foorjari ah oo suuqa laga samaystay oo aan schoolka laga bixin


Taliye Ismaaciil shuuro qoraalkiisan amarka ah kumuu xusin cidda ka soo dacwootay shahaadadan uu isku xilqaamay raadin teeda meel ay shaqadiisa ka soo gashaana ma jirto,


Intaa ka dib waxa dhacday inuu xili habeen ah u yeedho qaar ka Mid ah macalimiinta sckoolka al Furqaan oo inta uu qoraalkiisii Aamini waayay amar afka faray inay sidaa wax u soo dhigaan taas badal keedana uu abaal gudoon siin doono haday fuliyaan waxa uu ka doonayo oo ah inay shahaadada shucayb ku sheegaan foorjari, taasi oo damiirka macalimiintaasi diiday Arinkaasi inay arday in ka badan 6 sano ay wax barayeen ay sidaa ka yeelaan.


Taasi oo Taliye shuuro doonayo inuu ku dacaayadeeyo xafiiska guud ee imtaxaanaadka qaranka oo uu dugsiyadii uu maamulayay ka horkeeno isagoo uga dan leh kaliya inuu u ololeeyo Musharaxaa habeenka xiga oo dacaayad raqiis ah ku furo Musharax shucayb.


Hadaba arintan ayaa noqotay mid siwayn looga hadal hayo goobaha ay bulshadu ku kulmaan gaar ahaan magaalada Hargeisa iyo Gobalka Gabiley taasi oo bulshada ku noqotay amakaag iyo fajac talaabada masuulkani ku kacay iyo fadeexada ay qaranka ku keenayso


Wallow sida dadka ka agdhow masuulkani uu ku  sheekeeyay arintan In meel sare  laga soo Amray.

Hadaba waxa lays waydiinayaa taliye Dabagale oo bulshadu aad ugu hanwaynayd maka suuro gashaa arintani mise waa been abuur?


Waxa kale oo xusid mudan in taliyihii hore ee ciidanka boolisku Mr Fadal uu ka ilaalin jiray inuu wax xil ah ugu Dhiibo bulshada taliye ismaaciil shuuro.


Sidoo kale talaabada uu ku kacay taliyha ciidanka C,I,D da Ismaaciil shuuro ayaa farogalin ku ah shaqada komishanka doorashooyinka qaranka oo iyagu ah haayad madaxbanaan halka ay ka dhanka kale abni daro ku abuurayso hawlaha doorashooyinka oo hadii xukuumadu talaabo ka qaadi waydo taliye shuuro ay sobobi karto in ay abuurto isku dhac dadka walaalaha ah ee labadan musharax ee uu u kala hiilinayo taasi oo masuuliyadeedana ay yeelanayaan haayadihii abniga u xilsaarnaa oo shakhsiyaad siyaabo khaldan uga faa,iidaysteen awoodii iyo masuuliyadii umada loogu dhiibay.


Sikastaba ha ahaatee hadii aan arimaha foosha xun aan talaabo ku haboon laga qaadin waxa soo baxaysa in ay dhacaan falal nabadgalyada liddi ku ah


Waxa kale oo iyana muuqan doonta inta uu kiisakan ka ogyahay Taliyaha ciidanka booliska Mr Dabagale arintan Oo inayana haday jirto inuu wax ka ogyahay god Madow ku ridaysa rajadii shacabku ka sugayeen in isbadal lagu sameeyo ciidanka booliska


Haday jirtana waa hadii isbadalkii uu Dabagale ballan qaaday uu noocan ahaa jawaabna ay dadka reer somaliland ka bixin doonaan.


No description available.

WABILAAHI TAWFIIQ.

Loading...
Loading...