Wasiir Saleebaan Koore Oo Ka Waramay Qiso Casharo Ay Ka Baran Karaan Wasiirada Madaxweyne Biixi Oo Dhexmartay Cigaal

0
Sunday May 05, 2019 - 12:00:58 in News by G. Good
  • Visits: 3106
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Saleebaan Koore Oo Ka Waramay Qiso Casharo Ay Ka Baran Karaan Wasiirada Madaxweyne Biixi Oo Dhexmartay Cigaal

    Wasiir Saleebaan Cali Koore Oo Ka Waramay Qiso Dhexmartay Madaxweyne Cigaal Iyo Casharo Ay Ka Baran Karaan Wasiirada Madaxweyne Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Saleebaan Cali Koore Oo Ka Waramay Qiso Dhexmartay Madaxweyne Cigaal Iyo Casharo Ay Ka Baran Karaan Wasiirada Madaxweyne Biixi

 


Hargeysa(HWN):-Wasiirka horumarinta biyaha somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa ka waramay dhacdo hore oo dhexmartay madaxweynihii labaad ee somaliland Marxuun Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal.

Image result for saleebaan cali koore iyo cigaal
Lis Dairy


Wasiir Saleebaan Cali Koore ayaa qisada dhexmartay madaxweyne Cigaal waxa uu kaga waramayaa dood kulul oo uu kala hortagay madaxweynaha wakhti uu socday shirkii golaha wasiiradu.


Wasiirada madaxweyne Muuse Biixi oo inta badan lagu tilmaamo kuwo aan ka hor iman Karin wax talo ahna ku biirin Karin soo jeedimaha hogaamiyahooda ayaa casharo badan ka faa,iidaysan kara dhacdadan.


Wasiir koore oo ka waramaya dhacdada dhexmartay madaxweyne Cigaal ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay :-


"Kaydka xasuusta taariikhada iyo dhacdooyinkii tagey.”

Waqtigii Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal "Ahun” oo aan ka mid ahaa golihiisi wasiirada; waxaan xasuusta dhacdo cajiib ahayd oo aan wax badan ka korarsaday oo na kala dhex martay Madexweynah iyo Culuumtii siyaasadeed aan ka kororsaday Waayo-aragnimadiisa iyo khabiirnimadiisa aadka u xeelka dheerayd. Maalin maalmaha ka mida oo aan ka soo horjeestay goloha dhexdiisa oo arin noo soo dhigay Madexweynuhu.


Waxay ahyd amintu Khamiis aanu lahaan jirnay Shirkii golaha wasiirada ee xukuumadii waqtigaa jirtay. Waxay ahyd maalin xasaasiya oo arimo xaalada aanu ka hadlaynay oo isla gorfaneyn timaado sida ay noqon lahyd arintaasi.


Madexweyne Maxamed Xaaji Ibrahin Cigaal "Ahun” ayaa waxa uu soo dhigay arin aad u adag oo anigu aan markaa si kale u arkayey oo aan ii cuntamim. Madexweynuhu wuxuu golaha dhex keenay arintii, Madexweynahu wuxuu yidhi yaa ogol arintaa golohii oo dhan way gacan taageen. Wuxuu yidhi "yaa diidan gacanta ha taagto cidi aan ogolayn” Aniga ayaa gacanta taagay. Daqiiqado ka dib markii Madexweynahu dhameystay hadalkii ayaan ku idhi "Madexweyne arintaasi suurtogal maaha inaggana dani inooguma jirto sidaas iyo sidaasna waan uga soo Horjeedaa”. Marxuunku wuxuu caan ku ahaa markuu wax diido arinta ka walaac ka muujiyey inuu Timaha madaxa gacanta galiyo timo jilcsana wuu lahaa, markaasuu Beebkiisi uu cabi jiray aad u yara garaaci jiray. Wuxuu yidhi "Koore adeer ma dhameystay fadhiiso waad mahadsantahye, Waar shirku waa inoo xidhanyahy .”


Waxaanu u soo baxanay barxda Madaxtooyda anigiyo qaar badan oo golihii wasiirda ka mid ahaa waqtiga oo aan ugu da’yaraa, waxay ahyd xaaladu mid xaasaasiya, golohu wuu fajacsana, ninkan yar maxaa waalay bey hoosta ka wada leeyihiin. Waxa qol ila galay Niman odoyaala oo aad iiga waaweyna kana mid ahaa Wasiirada. Waxay igu yidhaahdeen "Koore maxaa ku helay? Waa maxay sidan maxaad Madexweynaha ula murantay waar shaqadaada ilaasho oo meesha Odayga ha kula murmin, ma in shaqada laga eryada rabtaa. Walahi duce qabadii baad dooneysaa..” iyo hadlo kaloo badan oo canaan iyo talo soo jeedin ba ahaa oo ay halkaa iiga sheegeen. Markay dhameysteen hadalkii ayaa ku idhi ” Waar yaa dhaheen waa nimanka waar anigu xaq baan u leeyahy in aan wax diido waxana yeelo, fikirkaygana waan cabirayaa, siday ila tahyna waan sheegayaa, ee Aniga Madexweynahu waxa ugu badan ee uu igu samayn karaa soo Duce-qabe maaha? Dee awal soo ma noolayn waar xornimada ha iga qaadina.”


Sidii baan ku soo baxay anigoo nimankiina isoo dawakhiyeen, dhankii gurigayga ayaan u soo kacay, anigoo iska sii go’aansaday in shaqada la iga eryayo ama dee ka sii tirsanaanayn golaha wasiirada. Waxaan iska xidhay Telefoonkaygi gacanta ee aan markaa sitay oo ahaa nambaradii xukuumadii Cigaal, oo bariga na loo qaybiyey oo ku jiray Telefoon Madoobe-dheere la odhan jiray oo waqtigaa la isticmaali jiray. Sidii baan guriga iskaga joogay Sabtidi,Axadii,Isniintii maan shaqo tagin Saddexda cishoba oo guriga ayaan iska joogay; Wasaaradiina way yaabanyihiin oo wasiirkii mee bay isleeyihiin.


Anigu waxaan sugayey bahal dhug-dhugley la odhan jiray, waxay ahyd Mooto guux weyn oo sakada gurigaaga inta aanu soo gaadhin aad maqalayso oo qaadi jirtay Warqadii Duce qabe la odhan jiray ee markaa Madexweyne Cigaal shaqada kaga joojin jiray Wasiirada. Habeenimadkii Salaasadu berri tahy ayaa waxa isoo wacay Xoghayntii Madexweynaha wuxuu igu yidhi "Salaamu-calaykum Wasiir Koore, Madexweynihii wuxuu ku yidhi Berri 7:00, subaxnimo oo gow ah xafiiska iigu kaalay, ee sidaa ula soco oo ha ka dib dhicin balantaa.” Waan dhigay Telefoonkii, wax yar baan fikiray su’aalo badan baan is weydiiyey; waxaan is idhi hadii uu doonaya inuu xilka kaa qaado kuumuu yeedheenba.


Waxan imi Madaxtooyda waqtigii balanta la ii qabtay, anigoo soo diyaar garoobay soona kal’hay. Xafiiska hoose cabaar yara fadhiistay waxayar ka dib waxa soo degay Madexweynihii waan kacay "Salamu-calaykum Madexweyne, Subax wanaagsan” Cigaal "Wacalaykuma salaam Adeer koore, subax la mida.” bariido iyo is xaal wareysi ka dib waxa aanu isla galnay xaafiiskiisi Madexweynaha Abaaro 15,daqiiqo ayaanu is wareysanynay oo wada hadlaynay. Wuxuu igu soo gabobeeyey Saddex qodob oo biseyl iyo waayo-aragnimo leh, oo xikmadaysan.


Wuxu igu yidhi ” Adeer Koore horta waxaad tahy nin yar oo aan aad u jecelahy oo go,aankiisa iyo fikirkiisa qaata, Maalintii dhaweydna wax baan kala eegayoo horta waad baastay ragg badan baan kal ogaaday. ee waxaan kuu sheegayaa horta yeynan dadka hortooda ku wada hadlin ee markaad wax diidantahy diid oo aniga Xafiiska iigu kalay oo ila dood, oo ila gorfee keena gar hel markaa, anigaa jecel inaad ila dooda oo aad wax badan iga faaido. horta meesha golaha aan iskugu keenay waa Saddex qolo. 1.Kuwo Qaranka ayaa ka haya oo aan isleeyahy yey wax yeelo iyo dhiibto u keenin. 2. Kuwo kalena anigaa iska haya oo imika waan afgarnyaa se haday dibada tagaan waa ragg kale oo dhismaha ila wadi maayaan. 3. Waa kuwo aad adigu ku jirto aan is leeyahy dalka iyo qarankaba aad u tabobartida oo aan rabo in aan qaranka uga tago.”


Maalintaa wuxuu i dareensiiyey dareen weyn oo ah inuu rabo dal dhis iyo dad dhis labdaba adagtahyna hawsheedna leedahay. Waxaanu ahyn saxiibo dhow iyo arday iyo maclin waxa kala barta, waxanu ahyn dareen wadaag iyo afkaar wadaag aad iskugu dhow, waxaanu ahyn saxiibo kaftma oo isu dhow. Shaqsiyada Han iyo Qabweyni leh buu ahaa oo qaranka Hankiisa iyo Qabka muwaadinkaba ilaaliya. Wuxuu ahaa nin Alle Haybad iyo karaamo u dhaliyey, qof marku afka kala qaado aad libiqsanyn; oo kuu kala saaraya Warkiisa iyo wacaashiisa, Hawaalo-warankiisa iyo runtiisa. Ma soo koobi karno. Halyeel qaranka ka baxay buu ahaa. Adoon wanaagsan oo Cibaado badan, Quraan Akhris badan, Salaad badan, oo samafal badan buu ahaa.


 


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...