Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Hadalo Kulul Is Dhaafsaday

0
Friday March 19, 2021 - 18:08:51 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Iyo Shiinaha Oo Hadalo Kulul Is Dhaafsaday

    "Waxay si xun u isticmaalayaan waxay ugu yeeraan ammaanka qaranka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxay si xun u isticmaalayaan waxay ugu yeeraan ammaanka qaranka"

Saraakiisha Mareykanka iyo Shiinaha ayaa hadalo kulul isku waydaarsaday wadahadaladii ugu heerka sareeyay ee u dhaxeeya maamulka Biden iyo Shiinaha kuwaasi ka socda Alaska.



Saraakiisha Shiinaha ayaa Mareykanka ku eedeeyay in dalalka kale ay kicinayaan oo ay ugu baaqayaan "in shiinaha la weeraro",.


Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in Shiinaha ay "imaanshiyahooda ay uga gol lahaayeen is tus-tus".


Xiriirka u dhaxeeya labadan dal ee awoodda badan ayaa ahaa muddooyiinkii u dambeeyay mid aad u xun.


Mareykanka ayaa balanqaaday in kulanka ay Shiinaha kala hadli doonaan arrimo ay ka mid tahay sida ay Beijing ula dhaqanto Muslimiinta Uighur ee gobolka Xinjiang.


Wadahadalada labada dhinac ayaa dadka ka qeyb galaya waxaa ka mid ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Antony Blinken iyo la taliyaha dhanka ammaanka ee madaxweyne Biden Jake Sullivan.


Dhanka Shiinaha waxaa wadahadalada uga qeyb galaya sargaalka ugu sareeya Shiinaha u qaabilsan siyaasadaha arrimaha dibadda , Yang Jiechi, iyo wasiiraka arrimaha dibadda Wang Yi.


Si kastaba ha ahaatee saraakiisha Mareykanka ayaa waxay sheegeen, in wadahadaladan ay albaabada u xiran yihiin ay ahaayeen "kuwa muhiim ah oo toos ah" lana qorsheynayo in uu socdo muddo labo saacadood ah.


Ka hor inta aysan wadahadalada furmin, Mr Blinken ayaa sheegay "in si qoto dheer looga wadaxaajoon doono tallaabooyiinka Shiinaha ee ku wajahan Xinjiang, Hong Kong, Taiwan, iyo weerarada internetka ee ka dhanka ah Mareykanka ".


"Dhammaan talaabooyiinkan waxay halis ku yihiin shuruucda kala dambeynta iyo xasiloonida caalamka," ayuu intaa ku daray.


Mr Yang oo u jawaabayay ayaa ku eedeeyay Mareykanka in iyaga oo isticmaalaya awoodooda militari iyo midda dhaqaale ee sareysa ay cadaadinayan dalalka kale.


"Waxay si xun u isticmaalayaan waxay ugu yeeraan ammaanka qaranka si ay u carqaladeeyaan iswaydaarsiga dhanka ganacsiga, waxayna dalalka qaar ugu baaqayaan in Shiinaha la weeraro," ayuu yiri Mr Yang .


Mr Yang ayaa intaa ku daray in heerka xuquuqda aadanaha Mareykanka uu aad u liito islamarkana dadka madowga Amerikanka ah "lagu laayo".


Hadaladan kulul ee saxaafadda horteeda la isku waydaarsaday ayaa socday muddo 1 saac ah.

Waxay arrintani ku soo beegmaysaa xilli labada dinac ay kulamo yeelanayaan kaasi oo maanta galinka dambe



BBC

Loading...
Loading...