Maamulka Puntland Oo Ganaax Duldhigay Doonyo Lagu Qabtay Kaluumaysi Sharci Daro Ah

0
Friday March 19, 2021 - 13:34:24 in News by
  • Visits: 806
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Puntland Oo Ganaax Duldhigay Doonyo Lagu Qabtay Kaluumaysi Sharci Daro Ah

    Maamulka Puntland Oo Ganaax Duldhigay Doonyo Lagu Qabtay Kaluumaysi Sharci Daro Ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Puntland Oo Ganaax Duldhigay Doonyo Lagu Qabtay Kaluumaysi Sharci Daro Ah

Maxkamadda gobolka Bari ayaa maanta xukun ku riday Doonyo ay wateen kalluumaysato ajaanib ah oo dhawaan lasoo qabtay iyagoo kalluumaysi sharci darro ah ka waday xeebaha ku yaalla degaanada Puntland.




 
 
Maxkamadda ayaa ku heshay dambi ah in ay kalluumaysi sharci darro ah ka wadeen xeebaha, iyagoo aan haysan oggolaansho uu maamulku bixiyay.

Guddoomiyaha maxkamadda, Abuukaate Abuukar Cabdinoor ayaa ganaax lacageed oo dhan 7 kun dollar ku riday midkiiba afar doomood oo Yemen laga lahaa.

Wuxuu sidoo kale, 4 kun oo dollar ku riday labo doonyood oo Soomaaliya laga leeyahay.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa sidoo kale amray in dowladdu la wareegto kalluunka Doomaha saaran, isagoo tilmaamay in ay yihiin hanti dowladdeed.

Xeebaha Puntland waxaa dhibaato ba'an ku haya Kallumaysato u dhashay Yemen, Iran iyo kuwa kale, kuwaas oo gurta kheyraadka badda ku jira.


Loading...
Loading...